--> Daawo:- Nin afduubi rabay Diyaarad Turkiga ku sii jeeday iyo Komaandooska Turkiga oo ka yaab

--> Daawo:- Nin afduubi rabay Diyaarad Turkiga ku sii jeeday iyo Komaandooska Turkiga oo ka yaab

daajis.com:-Nin soo raacay mid ka mid ah Diyaaradaha Turkiga oo ka soo duushay magaalada Charkov ee dalka Ukraine ayaa waxa uu isku dayay inuu afduubo Diyaaradaan oo ku sii jeeday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kaas oo duuliyaha ku amray in Diyaarada loo leexiyo ama laga dajiyo magaalada Sotschi oo ku taala dalka Ruushka waliba ay ka furmeen ciyaaraha Olympikada Caalamka. 


Ninkaan oo sheegay inuu dhamaantiis Qaraxyo u qarsan yihiin ayaa waxa uu kala carar iyo cabsi balaaran ku riday Rakaabkii Diyaaradaan saarnaa oo tiradooda lagu sheegay in ka badan 150-qof. Mid ka mid ah Diyaaradaha dagaalka Turkiga oo loo diray hawada sare ayaa Diyaaradii la afduubi rabay garoonka Istanbul ku soo dajisay. 

Ciidamada Koomaandooska hawada Turkiga oo aad u tababaran ayaa ninkaan gacanta ku soo dhigay wuxuuna u dhashay dalka Ukraine kaas oo la sheegay in uu si aad ah u cabsanaa. Ninkaan ayaa intii Diyaarada hawada ku soo jirtay dhoor jeer sheegay inuu is qarxin doono. 

Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada