Rag la sheegay in Al-Shabaab katirsan yihiin oo iyaga iyo Hubkooda lagu qabtay Gudaha Dalka Kenya

Rag la sheegay in Al-Shabaab katirsan yihiin oo iyaga iyo Hubkooda lagu qabtay Gudaha Dalka Kenya

daajis.com:-Ciidanka Booliiska Magaalada Mandhera Gobolka Waqooyi Bari Dalka Kenya ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen baarisna ku wadaan Sadax nin oo la tuhmayo in Al-Shabaab katirsan yihiin .

Ragan ay qabteen Ciidamada Booliiska Dalka Kenya ayaa la sheegay xiliga la qabanayay in ay wateen gaari , Sadax qori iyo rasaas gaareysa ilaa 259-Xabadood, waxaana Ragan la tuhmayo in Shabaab katirsan yihiin lagu qabtay deegaan duleedka ka ah Magaalada Mandheera.

Gudoomiyaha Degmada Mandera Nuux Mwivanda ayaa sheegay in Ragan ay qabteen hada baaritaano lagu wado ayna soo baxayaan astaamo muujinaya in Al-Shabaab katirsan yihiin qorshahoodana uu ahaa in weeraro ka geestaan Magaalada Mandheera.eeney in wee

Raga la qabtay ee lahu tuhmayo in AL-Shabaab katirsan yihiin ayaa ku doodaya in qorshahooda uusan aheyn in ay weerar geestaan balse ay doonayeen ruux kusugan Magaalada Mandhera.

Ciidamada Kenya ee kusugan Magaalada Mandheera ee Xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa marar kala duwan waxa ay la kulmeen weeraro qasaaro kala duwan geestay ay halkaasi ka fuliyeen Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al-Shabaab.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada