Macallinka Milan Clarence Seedorf:- oo ka hadlay sababta uu la ooyay Mario Balotelli + Video

Macallinka Milan Clarence Seedorf:- oo ka hadlay sababta uu la ooyay Mario Balotelli + Video

daajis.com:-Tababarah kooxda AC Milan Clarence Seedorf ayaa beeniyay warar uu sheegay in si qaldan looga baahiyay sababta ka ooysiiyay Mario Balotelli, kulankii xalay kooxdiisa 3-1 looga adkaaday.

Balotelli ayaa la beddelay dhammaadkii cayaarta, xilligaas oo ay Napoli 2-1 ku hoggaaminaysay kooxdiisa, waxayse kaamirooyinka qabteen Balotelli oo ooyaya, illimadana ceshan kari la’.

Intii ay cayaarta socotay Balotelli ayaa khasaariyay fursad uu goolka bar-barraha ugu dhalin karay kooxdiisa.

Warar lagu baahiyay warbaahinta dibadda Talyaaniga ayaa sheegayay in taageereyaasha Napoli ay cunsuriyeeyeen Balotelli, balse waxaa arrintaasi beeniyay macallinka Milan Clarence Seedorf.

“Waxay ahayd illin cayaaryahannimo, Mario waa binil’aadam. Way ka dhacdaa [in la ooyo] cayaaraha kubbadda cagta guud ahaan iyo isboortiga  marar badan.” ayuu yiri Seedorf.

“Waxaan nahay cayaartoy waxaa jira marar aan sidaas dareenkeenna ku muujinno. Wax qalad ah ma arko ama wax aan layaab leh. Horey bay iisoo martay.”

Warar baa sheegaya in saaxiibtiis hore ay deggan tahay magaalada Naples, isla markaana ay suuragal tahay inuu arkay gabadhiisa markii ugu horreysay.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada