Cayaaraha Olimbikada 2014 oo ka Bilowday Soch ee Dalka Ru...

Cayaaraha Olimbikada 2014 oo ka Bilowday Soch ee Dalka Ru...

daajis.com:-Cayaaryahan ka socday dalkan Mareykanka ayaa ku guuleystay billadii ugu horeeysay ee dahab ah cayaaraha Olimbikada ee ka socda Sochi, dalka Ruushka.
 
Sage Kotsenburg ayaa helay billad dahab ah, cayaarta loo yaqaan Snowboard – ee bararfka lagu dul cayaaro, halka cayaaryahan ka socday dalka Norwey uu helay bilad qalin ah, biladda maartana waxaa heshay Canada.
 
Biladaha ayaa lagu bixin doonaa shan cayaar oo kala gedisan shaley oo sabti ah – oo ay bilowdeen cayaarahan oo socon doona 16 maalmood.
 
Cayaarahan ayaa ka bilowday magaalada tamashlaha loo tago ee Sochi , iyadoo  garoon cusub oo casri ah oo qaada in ka badan 40 kun oo qof uu xalay marti geliyay xaflad weyn oo xarigga looga jarayay cayaarahan.
 
Tooshka Olombikada iyo midabo kala duwan oo bululeyra ah ayaa iftiimiyay garoonka ay xafladdu ka dhaceysay
 
Tartamayaal ka socda ilaa iyo 80 wadan ayaa ku baratamaya cayaarahan Sochi ka socda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada