DAAWO SAWIRADA XANUUN BADANAA:- Wenger oo ay maanta laba wareer qabsadeen!

DAAWO SAWIRADA XANUUN BADANAA:- Wenger oo ay maanta laba wareer qabsadeen!

daajis.com:-Arsene Wenger ayay maanta laba jugi ku dhacday kadib markii ay Liverpool seefta u dhigtay markii hore, iyadoo markii dambe iyadoo ay weli dhegihiisa kasii qiiqayaan goolashii shanta ahaa ee Reds uu markale si xun u kufay.

Macallin Wenger ayaa is lahaa ka gaar tareen ka baxayay saldhigga Liverpool Lime Street kaasoo ay u qabsan lahaayeen dhankaa iyo London, markaasoo ahayd goorta uu dhulka hal qare ku noqday isagoo dhabar dhabar ah. Xanuun!

64-jirkan ayay sawirradu qabteen isagoo boorso lasii gelayay saldhiiga tareennada, hase yeeshee markii uu albaabka sii gelayay ayuu si xun u sibxaday isagoo ku sigtay inuu madaxa ku dhufsado derbiga.

Odaygan Faransiiska ah ayaa aad u xanuunsaday waxaana la arkayay isagoo dhabarka haysta kahor intii aanay meesha ka kicinin laba askari oo kuwo gaadiidka ah.

Afhayeenka naadiga ayaa mar dhowayd yiri: ”Wuu fiican yahay”.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada