Daawo Sawirada:- Dowladda Japan oo maanta qalab ku wareejisay booliska soomaaliyeed.

Daawo Sawirada:- Dowladda Japan oo maanta qalab ku wareejisay booliska soomaaliyeed.

daajis.com:-Waxaa maanta soo gaaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho wafdi ka socda dowladda Japan kuwaas oo deeq u badan qalab xafiiseed iyo agabka kale ee booliska ku wareejiyay taliska booliska soomaalityeed.

Wefdigan uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal C/xakiin Daahir Saciid Saacid ayaa waxaa hogaaminaayay safiirka Dowladda Japan u fadhiya Soomaaliya Tasushi Taradi, iyadoo wafdigaasi uu kamid ahaa ku-xigeenka Wakiilka Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Yunazawi Atsushi, saraakiil kale oo ka socotay Dowladaha Taageerada siiya Soomaaliya oo ay kamid yihiin Midowga Afrika iyo Dowladda Turkiga.

Ugu horeyn Taliyaha Ciidanka Booliska iyo wefdiga waxaa ay salaan sharaf ka qaateen Cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya, intaas kadib waxa uu Taliyaha iyo safiirka ay kormeereen qalab xafiiseed Dowladda Japan ay siisay Ciidanka Booliska Soomaaliya, iyada oo  Taliyaha uu wefdiga  ay  ku soo wareegeen qeybaha ay ka kooban tahay xarunta ciidanka Booliska Soomaaliya oo dhowaan dib u dayactir balaaran lagu sameeyay, iyadoo markii dambe ay wafdiga iyo Taliyuhu kulan gaar ah ku qaateen xafiiskiisa.
Markii uu kulanka soo dhamaaday ayaa waxaa si wadajir ah saxaafadda ula hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal C/xakiin Daahir Saciid Saacid, Safiirka Japan Tasushi Taradi iyo ku-xigeenka Wakiilka xoghaya guud ee Qaramada Midooday u qaabilsan Soomaaliya Yunazawa Atsushi.

Safiirka Dowlada Japan u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in Dowlada Japan ay siiwadi doonto taageerada ay siinayso Soomaaliya, isagoo xusay in qalabkaan ay Taliska ku wareejiyeen uu yahay qalab xafiiseed.

Sidoo kale ku-xigeenka Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya  Mr Yunazawa oo isna goobta ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Ciidanka Booliska Soomaaliya ay shaqo wanaagsan oo dhanka ammaanka ah ay qabteen, islamarkaana Qaramada Midoobay ay gacan weyn ka qaadan doonto xoojinta Nabadda Soomaaliya.











FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada