Brendan Rodgers Oo Si Layaab Leh Uga Jawaabay Hadal Uu Horay U Yiri Mourinho.

Brendan Rodgers Oo Si Layaab Leh Uga Jawaabay Hadal Uu Horay U Yiri Mourinho.

daajis.com:-Tababaraha kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa noqday tababarihii ugu danbeeyay ee ku soo biira dagaalka afka ah ee u dhexeeya tababarayaasha kooxaha ku tartamaya horyaalka ingiriiska xili ciyaareed kaan iyo tababare Jose Mourinho.

Jose Mourinho ayaa sheegay in tartanka horyaalka uu ka dhexeeyo xili ciyaareed kaan laba faras oo waa wayn iyo faras yar, Jose ayaa ula jeeda fardaha waa wayn kooxaha Arsenal iyo Man City isagoo ula jeeda faraska yar kooxdiisa Chelsea, Mourinho ayaana sheegay hadaladaan kadib guushii uu ka gaaray kooxda Man City.
Brendan Rodgers ayaa lawaydiiyay wixii uu ka dhihi lahaa hadalada Jose Mourinho ka dib guushii ay ka gaareen kooxda Fulham taas  oo ka dhigtay in kooxda Liverpool ay dib ugusoo laabato tartanka horyaalka.
Rodgers ayaana ku jawaabay isagoo qoslaya” Runtii ma fahmi karo fardaha uu sheegay Mourinho… laga yaabee in anakuna aan nahay eeyo yar yar oo ku hoos ordaya fardaha lugahooda”.

Sidee u araktaa rayigaaga kadhiibo:- 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada