Ciidamo ka socda Itoobiya oo Beladweyne gaaray

Ciidamo ka socda Itoobiya oo Beladweyne gaaray

daajis.com:-Magaalada Beladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa gaaray ciidamo ka socda dalka Itoobiya kuwaaso qeyb ka ah howlgallka nabad ilaalinta Soomaaliye ee AMISOM.

Horey magaalada Beladweyne waxaa ku sugna cutobyo ka mid ah ciidamada Itoobiya,waxaana ciidamada hadda gaaray la sheegay inay yihiin kuwo lugu kordhinayo tiradi horey halka u jogtay.
Tirida xilligaan ee ciidamada Itoobiya lama sheegin inta ay dhanyihiin,waxaana sidoo kale ciidamada waheliya gaadiidka dagaalka oo ku astaameysan AU-da, waxaana taasi ay dalaalin u noqonaysa in ay qayb ka yihiin howlgalka midowgga Africa ee AMISOM.
Iman shiyaha ciidamadan waxaa warbaahinta u xaqiijiyey ku-simaha guddoomiyaha degmada Beledweyne ahna guddoomiye ku-xigeenka dhanka maaliyadda ee maamulka degmada, Bashiir Xuseen Dhoorre waxaana uu sheegay  in ciidamo gaashaaman oo ka tirsan AMISOM ay shalay gaareen Beledweyne.
Mas’uuliyinta gobolka,saraakisha ciidamada iyo odaal dhaqamedka ayaa la sheegay inay ciidamadan ku soo dhaweeyen Beladweyne.

Ciidamada Itoobiya tan iyo markii ay ku biiren howlgalka AMISOM,waxaa lugu soo dad gurayna gudaha dalka waxaana dhawaan ciidamada ka socda Itoobiya ay gaareen qeybo ka mid ah gobollada dhexe.
Waxaa la sheegay dhawaan ciidamada Itoobiya inay duulan ku qaadi doonan deeganno dhowr ah oo la sheegay inay xilligaan ku sugan yihiin Al Shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada