Sir Culus: Dawladda Imaaraadka (UAE) oo jartay Lacagtii ay siin jirtay Nabadsugida Soomaaliya, Waa Maxay Sababtu??

Sir Culus: Dawladda Imaaraadka (UAE) oo jartay Lacagtii ay siin jirtay Nabadsugida Soomaaliya, Waa Maxay Sababtu??

daajis.com:-Dawladda Imaaraadka carabta (UAE) ayaa siin jirtay Nabadsugida Soomaaliya lacag dhan 200,000$ (Laba boqol oo kun Doolar) bishiiba, lacagtaas oo ay haatan goosteen sababo lagu sheegay musuq maasuq baahsan oo uu ku kacay Agaasimaha Nabasugida Soomaaliya Gen Bashir Gobe.
Agaasimaha Hay’adda Nabadsugida qaranka ayaa saakay safar degdeg ah ugu baxay Dalka Imaaraadka Carabta si uu ugu qanciyo Dawladda Imaaraadka (UAE) inay sii wadaan lacagtii ay bixin jireen. Dawladda Imaaraadka ayaa joojinta lacagta ay siin jirtay Nabadsugida lagu sheegay inay keentay qaabka musuqmaasuqa oo Gen Bashiir Goobe uu ku bixiyey qaar kamid ah Baabuurta aan xabaduhu Karin oo ka koobnaa 9 baabuur looguna talo galay in masuuliyiinta Hay’adda Nabadsugida uga hawl galaan  amaanka caasimada si joogto ah.

Gen Bashiir Goobe oo la sheegay inuu saaxiib dhow la yahay Wasiirka Amniga Qaranka Mr Cabdikariin ayaa la sheegayaa in labada nin ku heshiiyeen inay kala qeybsadaan lacagaha ku yimaada magaca nabadsugida soomaaliya. Ciidanka iyo shaqaalaha nabadsugida ayaa la sheegayaa inaysan helin bishii Janaayo oo dhamaatay mushaharkii ay xaqa ulahaayeen.

Agaasiamaha hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka qaranka Gen Bashir Gobe ayaa ku fashilmay inuu joojiyo xarakada Alshabaab oo hawlaheeda burburinta dalka kusii xoojineysay Magaalada Muqdisho bilihii lasoo dhaafay, Gen Bashiir ayaa jidadka iyo isgoysyada Magaalada Muqdisho u dira ciidan aan mushaar qaadan, dhaqaalihii loogu talo galayna aysan soo dhaafin Wasiirka Amniga Cabdikariin iyo Agaasimaha Nabadsugida General Bashiir Goobe.

Fashilka kale eek u yimid hay’adda Nabsugida iyo sirdoonka qaranka waxaa kamid ah in Magaca Dhamaan laamaha dawladda, Safaaradaha, Wasaaradaha, Madaxweynaha, Raisul Wasaaraha iyo Hay’adda nabadsugida qaranka uu shaqsi Dawladii Cabdullahi Yusuf AUN mar shaqaale ka noqday Hay’adda Nabadsugida oo lagu Magacaabo Badal Kariye "Baare" , Sheegtana inuu yahay (The Director of Information Technology in Multilingual E-Governance, Analysis, Dissemination & Diplomatic Branch of Somali National Security Services (NSS)T inuu dhamaan Masuuliyiinta dawladda, Wasaaradaha uu Website-yo, Twitter iyo Facebook ku hadlaya magacooda u furay warbixino run iyo been isugu jirana uu uga faafiyo Caalamka Dawladda Soomaaliya. Website-yada loo furay Madaxda Dawladda iyo laamaha dawladda balse aysan ka warqabin waxaad dhamaan kasii geli kartaa ( www.somaligov.net ) webkaan qeybta ugo hooseysa,  website-yadaana waxaa kamid ah mid loo furay Hay’adda Nabadsugida qaranka.
http://www.somaligov.net/The%20NSS.html
https://www.facebook.com/NabadsugiddaQaranka?filter=1  FB-gaan waxaad ku arkaysaa hay’adda Nabadsugida oo dhahaysa Madaxweyne Hassan Sheekh waa inuu Guriga Gaafoow uu xooga ku haysto ka qaadaa una celiyaa gabadhii lahayd. Nabadsugida oo sidii fadhi ku dirirada u hadleysa!

Mr Bedel Kariye ayaa ah ninka page-kaan aad ka arki kartaan oo ku ag sawiran Gen Cali Gaab-ka xukuma Taraafikada Soomaaliya  http://www.somaligov.net/News.html  Mr Bedel Kaariye ayaa ah nin smart ah qoraalada uu geliyo website-yada masuuliyiinta dawladda ayaa isugu jira kuwa sax ah iyo kuwa marin habaabin ah, websiye-yada uu isticmaalayo magaca dawladana waxaa ay ku baxaan luuqado badan oo kala duwan.

Nabadsugida Soomaaliya waxaa soo gasha bil walba lacag dhan 1,500,000$ (Hal Milyan iyo Shan boqol Kun doolar) lacagtaas 800,000$ (Sideed boqol oo kun Doolar? waxaa ay ka timaada Dawladda Soomaaliya, halka 700,000$ (Todobo boqol Kun Doolar) ay ka timaado wadamo caalamka ka tirsan oo ay kamid yihiin Dawladda Imaaraadka Carabta (UAE), Turkiga iyo dawlado kale.

Hay’adda Nabadsugida qaranka ayaa u burburtay musuqmaasuq, nin jecleysi, iyo agaasimihii Hay’adda Gen Bashiir Gobe oo cuuryaamiyey saraakiishii Hay’adda ee lagu tuhmayay inay wax qaban karaan. Gen Bashir ayaa ku dooday in wasiirka amniga ku qanacsan yahay oo ay wax wada cuneen aysan jirin cid kale oo wax ka qaadi karta oo la xisaabtami karta.

 
Mushaar la’aanta Ciidanka iyo Shaqaalaha Nabadsugida ee bisha Janaayo ayaa lagu micneeyay Gen Bashir Gobe oo shaki weyn ka qaba in Xilka laga qaado dhowaan maadaama hay’adu fashilantay sidaa daraadeed dhaqaalihii Bishaan soo galay marka laga reebo Dawladda Imaaraadka oo iyadu aan bishaan lacag bixin inuu isagu jeebka ku shubtay. 

source:-waagacusub.com FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada