Ciidamada Ruushka oo qabsaday weybo kamid ah Ukraine

Ciidamada Ruushka oo qabsaday weybo kamid ah Ukraine

daajis.com:-Wasiirka arrimaha gudaha Ukraine Arsen Avakov ayaa sheegay in militariga Ruushka ayaa xayiraad ku soo rogeen garoon diyaaradeed gobolka Crimea ee ruushka laga taageera.

Rag hubaysan ayaa ku wareegsan garoonka diyaaradaha ee Sevastopol ee ku yaala gobolka koonfurta ku yaalla ee Crimea.

Arsen Avakov ayaa joogitaanka ciidanka ruushka ee groonka ku tilmaamay ”faragelin hubeysan’

Xiriirka Ruushka iyo Ukraine

Xiriirka u dhexeeya Ukraine iyo Ruushka ayaa xumaaday tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee Ukraine Viktor Yanokovych oo haatan ku sugan Ruushka.

Xiisadda u dhexeysa labada dal ayaa laga dareemi kara Crimea oo ah gobolka kaliye ee ku yaala Ukraine ee ay ku badan yihiin dadka ku hadla luqadda Ruushka.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee maraykanka John Kerry ayaa ugu baaqay labada dhinac inay dejiyaan xiisadda oo ay joojiyaan wax walba oo keeni kara isku dhac.

Kerry waxa uu sheegay in uu la hadlay dhigiisa dalka Ruushka , Sergei Lavrov, oo u sheegay in Ruushku ay ka go’antahay in uu ilaaliyo madaxbanaanida Ukraine.

Xigasho: BBC

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada