Goodax: Maalmaha soo socda shacabka Muqdisho is badal ayay arki doonaan

Goodax: Maalmaha soo socda shacabka Muqdisho is badal ayay arki doonaan

daajis.com:-C/laahi Goodax Barre, oo ah wasiirka Arimaha Gudaha DFS, ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay maalmaha soo socda arki doonaan is badal weyn oo dhanka Amaanka ah.

“Xukuumaddu tallaabooyin ammaanka lagu adkeynayo ayay qaadaysaa, waxaana ka mid noqon doona in lala wareego gurigii lagu helo inay Al-shabaab ku farsameeyaan hubka iyo waxyaabaha qarxa,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in ammaanka Muqdisho uu yahay mid wanaagsan ayna tani tahay mid amniga lagu xoojinayo, isagoo xusay in ciidamada amniga dowladda ay baaritaanno ku sameyn doonaan goob walba oo loo baahdo.

Kasokoow Hadalka Wasiirka, waxaa magaalada Muqdisho maalmihii danbe si xiriir ah uga dhacayay dilal qorsheeysan, qaraxyo iyo dagaalo fool ka fool ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada