Daawo Sawirada:- Aargo Cusub oo loogu magac daray Sheekh Xasan Barsane oo laga dhisay Magaalada Baladweyn

Daawo Sawirada:- Aargo Cusub oo loogu magac daray Sheekh Xasan Barsane oo laga dhisay Magaalada Baladweyn

daajis.com:-Waxaa Maanta Magaalada Baladwen ee Xarunta Gobolka Hiiraan lagu qabtay munaasabad xariga looga jarayay Aargo cusub oo laga dhisay Magaaladaasi looguna magac daray Sheekh Xasan Barsane.

Sidoo kale aargadan loogu magac daray Sheekh Xasan Barsane ayaa laga dhisay Xaafada Howl Wadaag ee Magaalada Baladweyn, waxaan dhismaha Aargadaasi gacan weyn ka geestay iskuna hoolay Urur dhalinyaro oo lagu Magacaabo Garsoor.

Munaasabada maanta xariga looga jarayay Dhismaha Aaragadan cusub waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Hiiraan , Saraakiil kasocotay Ciidamada AMISOM iyo waxgaradka kunool Magaalada Baladweyn.

Ugu danbeeyntii dhamaan dadkii ka hadlay Munaasabada xariga looga jarayay Aargadan cusub ayaa ku amaanay dhalintii isku howshay dhisida Aaragadan , waxa ayna tilmaameen in muhiim tahay in loo dhiso aargo iyo Taalooyin dadka taariikhda ku leh Umada Soomaaliyeed.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada