Ciidamadii ugu faraha badnaa oo dowladda Soomaaliya geysay degmada Huriwaa

Ciidamadii ugu faraha badnaa oo dowladda Soomaaliya geysay degmada Huriwaa

daajis.com:-Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadii ugu faraha badnaa u dirtay degmada Huriwaa, halkaasoo laga soo sheegayay falal amni daro oo ay ka mid ahaayeen weeraro iyo Al-Shabaab ku soo xoogeysatay.

Ciidamadan ayaa isugu jira Milateri iyo Nabadsugid ayaa ku hubeysan gaadiidka dagaalka, iyagoo isku dhiririyay xaafadaha qaar ee ay iska hor imaadyada habeenadii u dambeeyay ka dhacayeen, halka fariisimo ciidamada dowladda degmadaas ku lahaayeen la xoojiyay.

Gudoomiyaha degmada Huriwaa Cumar C/lle Jacfaan oo todobaadkii hore sheegay in degmadiisa ay halis ugu jirto inay gacanta ka baxdo ayaa xaqiijiyay in ciidamo badan soo gaareen degmada si ay ammaanka u sugaan.

"Dowladda ciidamo badan ayay u soo dirtay Huriwaa, si looga hortago falalka ammaan darida, ay geysanayaan kooxaha nabad diidka, xaalada degmada waa caadi"ayuu yiri Cumar Jacfaan oo rajo ka muujiyay in ciidamadan inay sugi karaan ammaanka.

Sidoo kale Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Ammaanka Warsame Maxamed Xasan (Joodax) ayaa isna xaqiijiyay in ciidamo badan la geeyay degmada Huriwaa, si ammaanka iyo xasiloonida loo soo celiyo.


Xoogag ka tirsan Al-Shabaab ayaa xilliyada habeenkii dhaq dhaqaaq ka waday, iyagoo aad u soo buuxiyay degmada, waxaana dhowr habeen dhacay iska hor imaad toos ah oo lagu qaaday xarumaha ciidamada ku leeyihiin degmadaas.

Tan iyo markii ay degmada ka dhaceen dagaalo iyo duqeyn ayaa waxaa ka barakacay shacabkii degenaa saddex sano kadib, waxaana taas ay keentay in xaalada degmada ka dhigto mid aan deganeyn.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada