Dhalashada Norway oo lagu xeray imtixaaan, qofkii la diidana waa celis "Soomaalida maka baxsan doonaan arintan!!"

Dhalashada Norway oo lagu xeray imtixaaan, qofkii la diidana waa celis "Soomaalida maka baxsan doonaan arintan!!"

daajis.com:-Dowladda Norway ayaa shuruud loo marayo qaadashada dhalashada dalkaaasi oo sahal lagu qaadan jiray soo saartay, waxayna shuruudaan noqotay imtixaan ku saabsan cilmiga bulshada norway, imtixaankaasoo ku qoran af Norwegian kana kooban 38 su'aal. waxaana laga doonayaa qodka in 29 su'aal inuu ku baaso.

Sida ay sheegtay Wasiirada Caruurta iyo Sinnaanta bulshada Solveig Horne oo ka tirsan xisbiga kasoo horjeeda soogalootiga ee FRP, ayaa arintani waxay ugu gol leeyihiin in soogalootiga dadka ah la baro cilmiga iyo dhaqanka dadka ay la nool yihiin si ay u noqdaan muwaadiniin aan ku weererin dadka ay la nool yihiin

Qaadashada Norway ayaa meel sare la suray, waxayna casqabad ku noqon doontaa dad badan oo aanan culeys iska saarin barashada cilmiga bulshada Norway.

Su'aalahan ayaa noqon doona kuwa aad ka mareysid Computerka, taasoo lagu imtixaani doono heerka qofka uu gaarsiisan yahay iyo heerka fahamka shaqsiga Norway kusoo qaatay 550 saac oo af Norwegian ah iyo 50 saacadood oo cilmiga bulshada ah oo la baro qof kasta oo wadankan soo galo.

Sharcigan ayaa qabanaya dadka helay aqoonsiga sharciga wixii ka danbeeyay 1-da September 2013, waana ku waajib iney ku baasaan imtixaankaan si mustaqbalka u noqdaan Norwegi qaata baasaboorka.

Isbadalkan ayaa ahaa mid la hadal hayay maalmahan iney wax ka badaleyso dowladda cusub oo ah mid aan soo dhoweynin qaxootiga iyo soogalootiga.

Sidoo kale Dowladda ayaa waxay go'aan cad ku gaartay in qofkii ay u diido sharciga magangelyo doonka iyo qofkii heshiiskii duplin ku jiray oo macnaheeda yahay in wadan kale farahiisa laga helay inay dib ugu celin doonto wadankii hore uu iska dhiibaay, waxaana intaas dheer inay sameyn doonto xeryo xeran oo aysan kasoo bixi karin dadka aan sharciyada haysan ee dambiyada galay.

Source:- calanka

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada