Daawo Sawirada:- Aktarka Barkhad Cabdi oo dhowaan jilaya filimka 'The Place That Hits the Sun.

Daawo Sawirada:- Aktarka Barkhad Cabdi oo dhowaan jilaya filimka 'The Place That Hits the Sun.

daajis.com:-Waxaa lagu wadaa in aktarka Soomaaliyeed balse haysta dhalashada dalka Maraykanka Barkhad Cabdi ee ka mid ah jilayaasha u tartamaya abaalmarinta Oscarka in uu jilo filim kale oo ah nooca loo yaqaan Drama. 

Barkhad oo jilitaankii filimkiisii ugu horeeyay ka dhigay mid indhaha caalamka soo jiita ayaa waxa uu wadahadal kula jiraa soo saaraha filimka la magac baxay “The Place That Hits The Sun” ee Noel Pearson (My Left Foot).

Filimkan ayaa ah mid ku saabsan orodyahan dhinaca maaratoona ee u dhashay dalka Koofur Afrika Willie Mtolo, ahaana dagaalyahan Zulu ah, Mtolo ayaa ka qeybgalay tartanka maaratoonka ee loo yaqaan New York Marathon sanadkii 1992. 
Jilaaga Barkhad Cabdi ayaa filimkisii ugu horeeyay waxa uu jilay sanadkii 2013kii waxana uu ku saabsanaa burcad badeed isagoo kaaliye u ahaa aktarka filimka. 

Filimka oo la yiraahdo Captain Phillips, waxana uu jilayay burcad badeed afduubtay markab. Waxana uu Barkhad ku helay filimkan abaalmarino badan oo ay ka mid ahaayeen SAG, Golden Globe, BAFTA waxana uu kamid yahay jilayaasha loo magacaabay abaalmarinta and Oscar.

Taariiq kooban ee Aktarka Barkhad Cabdi

Barkhad Cabdinaasir Cabdi waxa uu ku dhashay Muqdisho caasimada Soomaaliya sanadkii 1985tii hase yeeshee waxa uu ku soo barbaaray dalka Yemen.

Sanadkii 1999kii isagoo 14sano jir ah ayaa qoyska Barkhad Cabdi waxa ay gaareen dalka Maraykanka gaar ahaan Minneapolis. 

Waxana uu Barkhad ka qaatay koorsooyin dhinaca injineernimada ah jaamacada Minnesota State University.

Barkhad ayaa ku shaqeysan jiray taxi magaalada Minneapolis waxana uu sidoo kale shaqaale aan joogta ahayn ka ahaa goob taleefanada laga dirsado oo uu walaalkii ku lahaa Minneapolis. 




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada