--> Daawo Beelaha Digil iyo Mirifle ee ku nool Puntland oo xaqooda u doodaaya!!

--> Daawo Beelaha Digil iyo Mirifle ee ku nool Puntland oo xaqooda u doodaaya!!

daajis.com:-Beelaha Digil iyo Mirifle ee ku nool degaanada maamulka Puntland ayaa waxaa la sheegay inay cabasho ay ka muujiyeen cunsurinimo iyo midab kala sooc lagu haayo ayagoona sheegay inay yihiin dad ka mid ah dadka u dhashay deegaanada Puntland islamarkaana ay leeyihiin xaquuq la mid ah xaquuqda ay leeyihiin dadka u dhashay deeganada Puntland 


Odayaasha iyo waxgarad ka soo jeedo beelaha Digil iyo Mirifle ee ku nool deegaanada maamulka Puntland ayaa waxay sheegeen inay yihiin dad ka mid ah dadka reer Puntland islamarkaana ay tahay in loola dhaqmo sida dadka u dhashay deegaanadaas oo aanan loola dhaqmin sidii dad kooyto ku ah deegaanadaas, Waxgaradka iyo odayaasha Digil iyo Mirifle ayaa sidoo kale waxay sheegeen inay deegaanadaas ay ku noolaayeen mudo dheer islamarkaana ay isku arkaan inay yihiin dad u dhashay deegaanadaas laakiin ay mar mar qaar kala kulmaan dowlada maamulka Puntland cunsurinimo la xiriirta deeganada ay ka soo jeedaan iyadoona dowladii hore ee Puntland ay qorsheynaysay in loo sameeyo kaarar u gaar ah dadka ku abtirsado beelaha Digil iyo Mirifle arintaas oo ay ku sheegeen inay tahay mid lagu midab soocaayo beelahaas. 

Ugu dambeyntiina iyadoo run ahaantii ay arintaan noqonayso mid la yaab leh oo ay tahay wax laga xumaado in qof Soomaali ah uu dalkiisa ku noqdo sidii qof aajanabi oo kale ah ayaa arintaan waxay ka mid tahay dhibaatooyinka ka dhashay dagaalada sokeeya ee ku daba dheeraaday dalka Soomaaliya iyadoona ay wax iska caadi ah ay ka noqotey dalka Soomaaliya in qabiil kasta uu sheegto degaan asaga u gaar ah islamarkaana uu ku cunsuriyeeyo dadka kale ee Soomaalida ah ee iyaga ku nool deegaanadaas, Dadka qaar ayaa waxay arintaas masuuliyadeeda sabab uga dhigaan is aaminid la'aanta la xiriirta amaan xumida ka dhalan karta marka ay degaanada ku nool yihiin dadka soo jeedo degaano kale, Laakiin arintaas ayaa waxaysan ahayn mid lagu qanci karo maadaama ay sugida amaanka u taala heyadaha qaabilsan amniga islamarkaana ay shaqadooda tahay inay gacanta ku dhigaan cida wax u dhimaysa amaanka. 



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada