Daawo:- Dowlada itoobiya oo sheegtey in dowlada somali u ogalaadey sirdoonkee in ay Gudaha Somaliya ku dili karaan Alshabaab iyo ONLF

Daawo:- Dowlada itoobiya oo sheegtey in dowlada somali u ogalaadey sirdoonkee in ay Gudaha Somaliya ku dili karaan Alshabaab iyo ONLF

daajis.com:-Waxa dhawaan heshiis hoosa galay dowlada Soomaliya iyo dowlada Etoobiya kaa oo dhigaya in Dowlada Etoobiya sirdoonka ka hoowlgali karaan gudaha dalka Soomalaiya iyagoon wax ogolaansha ah ka heysan Dowlada Soomaaliya.

Dowlada Etoobiya yaa durba heshiiskaasi shaacisay iyadoona dhamaan idaacadaheeda ka sheegtay heshiiska halka dowlada Soomaliya wali baahin heshiiskaasi.


Heshiiska ayaa u ogolanaayo in ciidamada sirdoonka Etoobiya gudaha Soomaaliya ku dili karaan ama ka afduuban karaan qof walba oo ka soo horjeeda siyaasada gumeysiga madoow ee Etoobiya sida ONLF iyo Alshabaab.

Heshiiskaan ay dowlada Soomaliya la gashay sirdoonka Etoobiya ayaa siweyn waxaa uga soo horjeestay ehelada shacabkii Maalayiinta ahaa ay ku xasuuqeyn gudaha Etoobiya iyo dhulka Soomaaliya iyadoona la yaab ku noqotay dal dalkiisa cadaw ku ah in loo fasaxo gudaha dalkooda walina lagu taageero dad u halgamaayo xaquuqdooda lagu duudsiiya.

Waxaa cajiib ah in goobta lagu heshiinaaya laba dowlad laga waayo calanka Soomaaliya waxaana meesha ka muuqday calanka Etoobiya kaa oo dad badan isweydiyeen waxa taa keenay.

Si kastaba ha ahatee boqolaal Soomali ah ayaa dib qoryahay u qaadan doonto mar hadii cadowgii soo jireenka ahaa loo fasaxa ciida dalka in ay ku xasuuqaan shacab Soomaliyeed iyadoo la ogyahay in Etoobiya xoog ku heysata dhulweyn oo Soomalida leedahay.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada