Daawo Muuqaal :- Fuustooyin ay ka buuxaan waxyaabaha Qarxa oo lagu Garaacay Shacabka ku Dhaqan Magalada Xalab.

Daawo Muuqaal :- Fuustooyin ay ka buuxaan waxyaabaha Qarxa oo lagu Garaacay Shacabka ku Dhaqan Magalada Xalab.

daajis.com:-Kumaan ka tirsan muwaadiniinta suuriyiinta ayaa ku waabariistay maanta duqeymo aan horay loo arag, taasi oo ah fuustooyin ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa oo ay soo ridayeen diyaaradaha helikaprada dowladda siiriya, iyagoo duqeymaha kuwa ugu xun ay ka dhaceen magaalada Xalab. 

Waxaa sidaasi oo kale ay weeraradaani ay ka dhceyn deegaanadda Kananu. Xaydariyah, Wabacdeyn iyo xaafada firdows, weeraradaan ayaa ahaa kuwa isbuucyadii lasoo dhaafay socday, waxaase maanta ay aheyd mid aad ugu sii dartay dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay. 

Qaraxyadda fuustooyinka ayaa waxaa maanta si xun loogu garaacay dhanka koofureed ee Darca, waxaase maanta xaalada dadka deegaanka ee darca ay aad ugu xumaadeyn kadib markii reer dhan oo ku sugnaa gurigooda uu ku habsaday hal fuusto oo qarax ah, sidaasina ku waayay naftooda, waxaa sidaasi oo kale weerarada nuucaan oo kale ay ka dhaceyn Dafas, Sayda, Naciima,iyo Jaasim kuwaasi oo si xun loogu garaacay fuustooyinka qarxaya. 

Dhanka kale mucaaradka kasoo horjeeda madaxweyne Asad ayaa iyagana waxay gamayeen madaafiicda loo yaqaan Hoobiyayaalka, iyagoo ku garaacay xarumaha ay kusugan yihiin ciidanka Siiriya sida shirkadda shidaalka ee liibiyiinta. 



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada