Daawo Muuqaal:- FBI Maraykanka oo raadinaysa Gabar Soomaali oo dishay cunugteeda kadib markii ay bac ku xirtay!!

Daawo Muuqaal:- FBI Maraykanka oo raadinaysa Gabar Soomaali oo dishay cunugteeda kadib markii ay bac ku xirtay!!

daajis.com:-FBI dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay baadi goob xoogan ay ugu jirto gabar Soomaaliyeed oo lagu eedeeyey inay dishay cunug yar oo ay si qarsoodi ah ay u dhashay ka dib markii ay bac ku xirtey oo ayna ku qarisay xaga dambe ee baabuurka qoyskooda 


Shaadiya Maxamed Muuse oo ah gabar Soomaaliyeed oo 26 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inay sanadkii 2004 xilli ay da'adeedu ahayd 18 sano jir oo ayna ku nooleyd magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalkaas Mareykanka ay si qarsoodi ay u dhashay gabar ka dibna ay gabadhaas yar intay buste ku doobtey oo ay bac ku riday ay ku qarisay xaga danbe ee baabuurka qoyskeeda taas oo keentay inay gabadhaas ay halkaas ku geeriyooto, Gabadhaan Soomaalida ayaa intaas ka dib waxay tagtey isbitaalka ayadoo ka cabanayso calool xanuun laakiin taqaatiirtii baartey ayaa waxay ogaadeen inay gabadhaas ay ilmo soo dhashay goor dhow iyadoona ay gabadhaasi ay markii hore ay iskudaydey inay inkirto arintaas ayaa markii dambe waxay u cadeysay oo ay qiratey inay soo dhashay goor dhaweyd ilmo kuna soo umushay musqusha qubeyska ee gurigooda iyadoona booliiska u sheegtay baabuurkii ay ku qarisay gabadhii ay dhashay taas oo ay booliisku ay ka soo heleen meydka gabdhii yareyd oo ku jirta baabuurkaas xagiisa dambe. 

Ugu dambeyntiina iyadoo baaritaan ka dib ay booliisku shaaciyeen in gabadhaasi ay nolol ku dhalatey oo ay u dhimatey dhiigbax iyo naqaska oo ku xirmay ayaa waxaa la soo saarey xukun lagu soo xiraayo gabadhaas Soomaaliyeed ee dishay cunugtii ay dhashay, laakiin wixii ka dambeeyey waqtigaas ayaa waxaa la waayey gabadhaas meel ay jaan iyo cirib dhigtey iyadoona ay baadi goob ugu jiraan heyada sirdoonka dalka Mareykanka ee FBI, gabadhaas Soomaalida ayaa waxaa ay wararku sheegayaan in laga yaabo inay u baxsatey dalka Canada ama qaar ka mid ah magaalooyinka dalkaas Mareykan sida Boston ama Atlanta oo ay ku nool yihiin qaraabadeeda, sidoo kale ayaa warku waxaa uu sheegayaa in laga yaabo inay gabadhaasi ay u baxsatey magaalooyinka ama gobolada ay ku badan dadka Soomaaliyeed sida Minneapolis, Seattle, Dallas, San Diego iyo Washington, D.C dalkaas Mareykanka, Kristin Cadieux oo ah haweeneyda ku shaqada leh kiiska gabadhaan Soomaaliyeed ayaa waxay sheegtay inay ka welwel san yihiin xaalada ay gabdhaas ku sugan tahay iyo inay nolosheeda ay ku lug leeyiihiin caruur kale maadaama aan lagu aamini karin caruur oo ay ku tahay qatar weyn nolosha ilmaha oo dhan, Gabadhaan Soomaaliyeed oo aan la ogeyn waxa ku kalifay inay disho cunugteedaas ay dhashay ayaa waxaa la filaayaa inay u muuqato mid ka qarinaysay waalidkeed iyo ehelkeeda oo aan waxba kala socon uurkaas iyo cida ay u qaaday ilmahaas. 




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada