Daawo Muuqaal:- Gabar Soomaaliyeed oo loo Diiday in ay Safarto Kadib Markii loo sheegay in ay ku Jirto Liiska Madhoofayaasha!!

Daawo Muuqaal:- Gabar Soomaaliyeed oo loo Diiday in ay Safarto Kadib Markii loo sheegay in ay ku Jirto Liiska Madhoofayaasha!!

daajis.com:-Gabar Soomaaliyeed oo ku nool dalka Canada ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday dhibaaato baaxad weyn ka dib markii loo diiday inay dalka dhoofto maadaama ay ku jirto liiska No-Fly oo ah liiska dadka looga shakisan yahay argagaxisanimada ee aan loo ogoleyn inay dhoofaan. 


Ayaan Xasan oo ah gabar Soomaaliyeed oo heysata dhalashada dalka Canada kuna nool magaalada Edmonton ee dalkaas Canada ayaa waxaa la sheegay inay dhawaantaan soo wajaday arin lama filaan ah ka dib markii ay damacday inay dalkaas ka dhoofto oo ay safar ku tagto magaalada Frankfurt ee dalkaa Jarmalka, Gabadhaan ayaa markii ay timid ayropoorka magaalada ay ku nooshahay ee Edmonton International Airport ayaa waxaa loo sheegay inaysan ka bixi karin dalka oo hadii ay rabto ay u duuli karto oo kaliya magaalda Toronto ee isla dalkaas Canada laakiinse aysan halkaas dhaafi karin oo aanan loo ogokeyn inay dalka ka baxdo, Gabadhaan Soomaalida ayaa waxaa loo sheegay inay ku jirto liiska heyada dalka Mareykanka u qaabilsan amniga ee lagu magacaabo TSA ee No-Fly kaas oo ah liis lagu diiwaan galiyo dadka looga shakisan yahay argagaxisada ee aan loo ogaleyn inay u dhoofaan dalka Mareykanka ama ay hawadiisa xataa ay dul maraan. 

Ugu dambeyntiina iyadoo gabadhaas Soomaaliyeed laga hor istaagay socdaalkeedaas ay ku tagi lahayd magaalada Frankfurt ee dalkaa Jarmalka ayaa waxay sheegtay inay si aad iyo aad ah ay uga xumaatey waxa qabsaday, gabadhaan ayaa waxay sheegtay inaysan wax shaqo ah ku lahayn argagaxisanimo laakiin uu ku jiro liiskaas qof ay isku magac yihiin, Af hayeen u hadlay shirkada diyaaradaha dalka Canada ee Air Canada ayaa waxa uu sheegay inay u hagaansamayaan sharciga u yaala dalka Mareykanka oo aynan u ogolaan karin gabadhaas inay ku safarto diyaaradooda, Hadaba iyadoo inta badan ay arimahaan oo kale ay qabsan jireen raga Soomaaliyeed ayaa gabadhaan Soomaalida oo safarkaas ka baaqatey waxay sheegtay inay xooga saari doonto sidii ay magaceeda u sifeyn lahayd oo ay uga bixi lahayd liiskaas No-Fly ayadoo sidoo kale sheegtay inay diyaar u tahay in la shaqeyso baaritaan kasto oo ku saabsan arinteeda. lagu sameeyo, Arinta qabsatey gabadhaan ayaa waxay tahay mid 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada