Daawo Sawirada:- Taliska ciidanka xoogga dalka oo heshiis la galay sarakiil Turki ah+warbixin

Daawo Sawirada:- Taliska ciidanka xoogga dalka oo heshiis la galay sarakiil Turki ah+warbixin

daajis.com:-Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa maanta heshiis ku saabsan dib-u-dhiska xerooyinka iyo tababarka Ciidamada xoogga dalka maanta kula saxiixday magaalada Muqdisho saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Turkiga.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Daahir Aaden Cilmi Indhaqarshe oo uu wehliyo Abaanduulaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Saraakiil sare oo ka socota Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Turkiga.

Taliyaha ciidanka ayaa saraakiishaasi ka socotay Dowladda Turkiga la saxiixday heshiis dhanka Milateriga oo ku saabsan dib-u-dhiska Xerooyin casri ah oo lagu tababaro ciidamada iyo in Macalimiin Soomaali iyo Turkish ah ay tababar gudaha dalka kusiiyaan Ciidamada Xoogga dalka.
Sidoo kale Taliyaha Ciidanka XDS Jeneraal Daahir Aaden Cilmi ayaa sheegay in heshiiskaani uu wax badan oo isbedel ah kusoo kordhin doono tayada iyo awoodda ay leeyihiin ciidamada xoogga dalka, isagoo uga mahadceliyay Dowladaha Turkiga, Mareykanka iyo Midowga Yurub dedaallada ay ku bixinayaan dib u dhiska iyo tababarrada ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Sidoo kale Xuseen Xamdi Arguu oo ah madaxa ugu sareeya qeybta tababarrada ee Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa tibaaxay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaaban doonaan dib u dhiska xerooyinka tababarrada maadaama ay dowladda Soomaaliya kala tashanayaan goobaha ugu habboon ee laga hirgelinayo xerooyinkaasi.
Heshiiskaan ayaa daba socda Heshiiskii ay horay ukala saxiixdeen Wasaaradaha difaaca dalalka Turkiga iyo Soomaaliya kaasoo ay meelmariyeen Baarlamanka Soomaaliya, waxaana haatan dalka Turkiga tababar u jooga 40-Sarkaal oo ka kala socda Ciidamada Cirka, Dhulka iyo badda kuwaasoo loo diyaarinayo inay tababaradii ay soo qaateen uga faa’iideeyaan askarta kale ee ka tirsan Ciidanka.











FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada