Muxuu Ra'iisul Wasaaraha ka yiri qaraxii maanta ay dadka badan ku dhinteen ee nawaaxiga Baar Fiat ?

Muxuu Ra'iisul Wasaaraha ka yiri qaraxii maanta ay dadka badan ku dhinteen ee nawaaxiga Baar Fiat ?

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa fal foolxumo iyo fuleynimo ah ku tilmaamay qaraxii ay maanta ka fuliyeen kooxaha nabadiidku maqaaxida laga cunteeyo ee ku taala isgoyska KM-Zero ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, weerarkaasi oo ay ku nafwaayeen dad rayid ah oo goobta ku sugnaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday qaraxaasi. Wuxuuna ilaahay uga baryay dadkaasi in uu ka waraabiyo janadiisa fardowsa, intii ku dhaawacantayna u rajeeyey caafimaad deg deg ah.

“Beegsida argagixisada ee goobaha shacabka, waxaa ay astaan u tahay dhamaadka waqtiga kooxdan caadaysatay daadinta dhiiga shacabka, dawladduna wey u diyaar garowday sidii loo siffeyn lahaa nabad-diidka, loona baajin lahaa dhiiga shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo ka hadlay falkii qaraxa ahaa ee saaka lala beegsaday maqaaxida ku taala isgoyska KM-Zero.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaasi ku daray: “Waxay cadowgu ka warhayaan in la gaaray xilligii la soo afjari lahaa, waxayna go’aansadeen in ay sii daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed. Waxaan u sheegeynaa kuwa soo maleegay iyo kuwa fuliyay fal dembiyeedkan in lala xisaabtami doono, falalka noocan oo kale ah marnaba nagama hakin doonaan talaabooyinka aan ku cirib tireyno nabadiidka.”.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada