Daawo Sawirada:- Jeneral Muungaab waa shaqsi ceynkee ah? Taariikh nololeedka Gudoomiyaha iyo duqa Muqdisho

Daawo Sawirada:- Jeneral Muungaab waa shaqsi ceynkee ah? Taariikh nololeedka Gudoomiyaha iyo duqa Muqdisho

daajis.com:-Akhristayaasheenna Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa Sawirada Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo lagu maacaabay digreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha iyo taariikh nololeedkiisa.

Habada haddii aan soo koobno taariikh nololeedka Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa waxa ay u qorantahay sida tan:-

Tariikh Nololeedka Oo Kooban
Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab wuxuu Dhashay Sanadkii 1972    wuxuna ku dhashay Tuulada Muungaab Dagmeda War-Sheekh Ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Dhinaca Waxbarshada, Darasaadka shareecada iyo Qaanuunka, Sidoo Kale Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen, Wuxa uu Hadda Diyaarinayaa  Master Degree Shareecada iyo Qaanuunka Ee Jaamacadda Um Durmaan Al Islaamiya khartuum Sudaan.

Sanadkii 2002 wuxuu ka qalin Jabiyay Jaamacadda Afrika Ee Caalamiga ah Gaar ahaan Kuliyadda Shareecada iyo Daraasaadka Islaamka, Isagoo Ka qaatay Darajada batch.

Dhinaca Khibradaha    Shaqo, 2001 -2002 Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Soomaliyeed Ee Suudaan. 2005- 2007 Bare Dugsiga Sare Jubba Ee Magalada Muqdisho.

2008  - 2009 Mustashaar safaradda Soomaaliyeed Ee  Suudaan.
02/03/2010  ilaa   15/08/2010  Wuxuu ki biiray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed Waxaana lagu qaatay Darajada Gaashaanle Dhexe, islamrkaana waxaa loo magacaabay Garsoore Ka Tirsan Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida..

16/08/2010  ilaa  16/08/2012  Waxaa loo magacaabay Guddomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed.
17/08/2012 ilaa    25/02/2014 Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Maanta oo ay Taarkiikhdu tahay 27 bisha Febraayo ee sanadka 2014-ka waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada