RASMI: Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho oo loo magacaabay Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab)

RASMI: Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho oo loo magacaabay Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab)

daajis.com:-War deg deg ah oo goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho loo magacaabay Saareeye Guuto Xasan Maxamed Xuseen Mungaab, kaasoo maalmahan la hadalayay in xilkaas loo magacaabayo.

Wareegtada ka soo baxday Madaxweynaha ayaa waxaa xilka looga qaaday Maxamuud Axmed Tarsan oo xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho hayay tan iyo bartamihii sanadkii 2010, waana Gudoomiyaha ugu waqtiga dheeraa.

Sidoo kale wareegtada ayaa waxaa lagu faray Talisyada Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir inay si toos ah ula shaqeeyaan Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab).

Ilo wareedyo muhiim ah oo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in magacaabista Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ay tahay mid rasmi ah oo wareegto goor dhow soo baxday lagu shaacin doono.

Jen. Xasan Maxamed Xuseen ayaa horay u ahaa Gudoomiyihii Maxkamada ciidamada qalabka sida, waxaana xilkan la sheegay inay kula tartamayeen xubno kale duwan oo ka soo jeeday Beesha Mudullood.

Mr Tarsan ayaa ahaa Gudoomiyaha ugu waxqabadka wanaagsanaa ee soo mara Muqdisho, iyadoo lagu xusuusan doono wixii uu ka qabtay magaalada, sida bilicda magaalada, nadaafada iyo kicinta bulshada, waxaa uu ahaa nin cod kar ah oo aan la ganban afkaartiisa.

Magacaabista Mungaab ayaa soo afjareysa warar iyo hadal heyn badan oo muddo soo jiitamayay, kaasoo ahaa in loo magacaabi doono xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho.

Dhinaca kale Wareegto ka soo baxday Madaxweynaha ayaa waxaa xilka Gudoomiyaha Bankiga Dhexe Bashiir Ciise loogu kordhiyay muddo labo bilood, isagoo si KMG ah u hayay xilkaas, sidoo kale waxaa la magacaabay Xisaabiyaha Guud iyo Hanti-dhowrka Qaranka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada