Daawo Muuqaal:- laga diyaariyay hannaanka dahsoon ee tababarka Chelsea

Daawo Muuqaal:- laga diyaariyay hannaanka dahsoon ee tababarka Chelsea

daajis.com:-Hab-diyaarinta iyo xeeladaha macallinka oo gacan ka helaya kaaliyeyaasha, xilliyada tababarka la sameynayo iyo marka garoonka lagu jiro inta badan waxay sal-dhig u yihiin guulaha kooxaha.

Chelsea waxay ka mid tahay kooxaha xilligan ugu adag horyaalka, qof kasta oo daawaday cayaarihii ugu dambeeyay ee ay ka guuleysatay Manchester City, Stoke City iyo Manchester United waxay ka marqaati kacayaan in kooxda dhaqaale iyo dedaal dheeraad ah la galiyay.

Shirkadda Tamarta ee Gazprom ee maal-gelisa Chelsea ayaa tagtay gagida tababarka ee Cobham, waxayna warbixin muuqaal ah ka diyaarisay xeeladaha ay kooxda adeegsato xilliga tababarka.

Warbixinta waxaa lagu sheegayaa in 17 garoon oo la cabbir ah Stamford Bridge inay ku yaallaan Cobham oo ah halka ay kooxdu ku tababarato, iyadoo cimillada aagga tababarka la kululeeyo inta badan.

Kooxda waxay tababarro qaadataa 300 oo jeer sanadkii, halka cayaartoyda ay 25 mayl jaraan iyagoo cayaaraya iyo tababar iyagoo sameynaya.

Kushiinka Cobham wuxuu diyaariyaa 60 cunto maalintii oo loogu talagalay cayaartoyda kooxda ee sare ama koowaad (First Team).

In ka badan 11,000 oo joog oo kabo ah ayaa sanadkii la diyaariyaa, taas oo ah xisaabta guud ee inta jeer ee mar kasta oo tababar la sameeyo dib loo nadiifiyo kabaha.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada