Daawo Video--> Garsoore hore: Ferguson wuxuu iga codsaday inaan horyaalka u gacan galiyo.

Daawo Video--> Garsoore hore: Ferguson wuxuu iga codsaday inaan horyaalka u gacan galiyo.

daajis.com:-Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa garsoore Dermot Gallagher ka codsaday inuu ka caawiyo inuu u gacan-galiyo horyaalka Premier League sanadkii 1997, wargeyska Metro ayaa baahiyay.

Dermot Gallagher oo ah garsoore howlgabay ayaa sheegay in cayaar dhex-mareysay United iyo Middlesbrough, uu Ferguson u yimid, kaddibna ka codsaday in cayaarta oo saddex gool iyo hal mareysay dib loogu dhigo, si aanu u seegin horyaalka oo ay Arsenal kula tartameysay.

“Roob baa aad u da’ayay, Ferguson ayaa dhinac iila baxay, wuxuu igu yiri ‘asxaan ii samee, cayaarta dhammee’”, Gallagher ayaa sidaas u sheegay Sportlobster TV, sida uu wargeysku sheegay.

“Waxaan weydiiyay sababta, wuxuuna igu yiri, meel kale kuma habboona kulankan, Premier League-na waxaa qasab ku noqoneysa inay xilli-cayaareedka muddo kale ku daraan. Fursad fiican oo aan cayaartan ku guuleysan karno ayaan heleynaa, horyaalkana waxaan ku qaadeynaa Old Trafford.”

Wuxuu Gallagher sheegay in Ferguson uu u yimid mar kale cayaarta oo 3-1 marayay, garoonkana uu ahaa mid biyo fariisad ah, markii aannu u bexeynay nasiinada.

“Wuxuu igu yiri: “‘Waan ogahay in 3-1 nagula hoggaaminayo, fadlan cayaarta dhamee, waan kaashan karnaa.”
“Waxay ku guuleysteen inay 3-3 cayaarta ka dhigaan, daqiiqaddii ugu dambeysayna Dennis Irwin ayaa xerada ganaaxa galay oo isku riday dhinaca goosha xigta Stretford End, waxaanan kaliya bixiyay rimeeso (Gool-kick).

Halkaan Hoose ka Daawo:- 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada