Maxaad kala socotaa hadal heynta ugu badan Shacabka Magaalada Muqdisho Saacadihii lasoo dhaafay?

Maxaad kala socotaa hadal heynta ugu badan Shacabka Magaalada Muqdisho Saacadihii lasoo dhaafay?

daajis.com:-Shacabka Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka ayaa maanta iyo shalay waxaa ay si weyn u hadal hayaan joojinti Adeega Internetka ay bixin jirtay Shirkada Isgaarsiinta ee Hurmuud.

Goobaha ay dadweynuhu isugu yimaadaan ayaa maanta ilaa shalay waxaa si aad ah loo hadal hayay Internet la'aan soo wajahday Malaayiin dad ah oo ku xirnaa Adeega Internetka ay bixin jirtay Shirkada Isgaarsiinta Hurmuud.

Dhalinyarada ayaana ah kuwa ugu badan ee aad u hadal haya arintan saameyn badan ku yeelatay kuwaa oo inta badan Internetka ka isticmaali jiray wada sheekeesi iyo sidoo kale in ay kala socdaan wararka gudaha iyo Dibada.

Shirkada Isgaarsiinta Hurmuud Telcom ayaa go'aansatay in ay joojiso gabi ahaan adeega Internetka ay bixin jirtay kadib markii amar kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab oo lagu faray shirkadaha Isgaarsiinta Dalka in ay joojiyaan Internetka.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa isweediinaya sababta Internetka loo jaray iyo dambiga uu Al-Shabaab ka galay Internetka , waxaana Maanta alaa shalay Telfoonada iska dhigay dhalinyaro badan oo inta badan ku mashquuli jiray Internetka ay ka isticmaalaan Moobeelkooda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada