Daawo Muuqaal:- Nin Soomaali oo 3 qof ku mindiyeeyey Dalka Ingriiska oo isbitaalka waalida in lagu xiro lagu xukumay!!

Daawo Muuqaal:- Nin Soomaali oo 3 qof ku mindiyeeyey Dalka Ingriiska oo isbitaalka waalida in lagu xiro lagu xukumay!!

daajis.com:-Maxkamad ku taala magaalada Birmingham ee dalkaas Ingiriiska ayaa waxay xukun ku riday nin Soomaali ah oo horey masaajid dhexdiisa ugu mindiyeeyey 2 qofood oo tukanaysay iyo nin booliis ah oo u soo gurmaday dadkaas inuu caawiyo iyadoona maxkamada oo u aragtey ninkaas Soomaaliga ah inuu yahay nin waalan ay amartey in ninkaas lagu xabiso oo lagu haayo isbitaalka dadka waalan oo aan bulshadana lagu soo dhexdeynin ilaa iyo amar dambe. 


Ninkaan Soomaaliga oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Cilmi oo 32 sano jir ah ayaa bartamihii sanadkii hore waxaa la sheegay inuu soo galay masaajid lagu magacaabo Madrassa Qasim-ul-Uloom oo ku yaala magaalada Birmingham ka dibna uu mindi weyn kala dhex kacay dadkii masaajidkaas ku cibaadaysanaayey asagoona halkaas ku dhaawacay ilaa iyo 3 qofood oo ku jirey masaajidka, ka dibna waxaa halkaas soo gaarey booliiska la gaarsiiyey fariinta iyadoona ay booliisku ninkaas ku qabteen korontada dadka lagu shokgareeya laakiinse ay ninkaasi waxba ka tarin ka dibna uu askarigii booliiska ahaa uu asagana tooreey la dhacay oo uuna ka dhaawacay xabadka iyo caloosha, Laakiin booliiska oo kaashanaya dadkii masaajidka ku tukanaayey ayay waxay ugu dambeyn u suuro gashay inay ninkaas qabtaan oo ay xabsiga dhigaan. 

Maxkamadii dhageysatey dacwada ninkaas iyo taaqaatiiirtii soo baartey ayaa waxay gaartey go'aan ah inuu ninkaas dhameyn maskaxiyan oo ayna tahay in lagu haayo isbitaalka dadka waalan iyadoona aysan maxkamadu aysan carabaabin waqtiga ama mudada uu ninkaas Soomaaliga ah lugu haynayo oo uu ku xirnaan doono isbitaalkaas taas oo u muuqata ama macnaheedu uu yahay mid aan xad lahayn inay tahay. 

Ugu dambeyntiina iyadoo ninkaas Soomaaliga ah lagu xukumay in lagu xabiso isbitaalkaas dadka waalan oo ah mid amaankiisa si aad iyo aad ah loo ilaaliyo ayaa waxaa kale oo la sheegay inuu ninkaas ahaa waligiis nin maskixiyan xanuunsan oo kol horeba daawooyin qaadan jirey laakiin ka baxsaday dhaqtarkii iyo daawooyinkii uu qaadan jirey, Maxkamada oo dhageysatey arimahaas oo dhan ayaa waxay wax kama jiraan ku tilmaamntey dacwadihii loo heystay oo ahaa dhibaatadii uu u geystey ninkaas Soomaaliga ah dadkii uu mindida la dhacay, Ninkii booliiska ahaa ee uu ninkaas Soomaaligu dhaawacaya oo lagu magacaabo Adam Koch ayaa waxaa uu sheegay inuu ninkaas si xun u dhaawacay laakiinse ay caawisay jaakada birta ah ee u xirneyd xiligii uu ninkaas ku weeraray mindida, Sidoo kale ayaa garyaqaanka maxkamada waxaa uu xukunka ninkaas ku tilmaamay mid aan ciqaab ahayn laakiin marka la eego qatarta ka imaan karta ninkaas oo laga fili karo ninkaas inuu yahay ninkaasi mid aan lagu sii dhex deyn karin bulshada oo ay waajib tahay in lagu haayo oo uu ku xabisnaado isbitaalkaas dadka waalan. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada