Daawo Muuqaal:- Tv yada Caalamka oo soo bandhigay Fadeexo iyo ceeb weyn oo soo wajahday rasull wasaaraha Somaliya! +warbixin

Daawo Muuqaal:- Tv yada Caalamka oo soo bandhigay Fadeexo iyo ceeb weyn oo soo wajahday rasull wasaaraha Somaliya! +warbixin

daajis.com:-Fadeexo iyo ceeb weyn ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday ra'iisal wasaaraha Soomaaliya ka dib markii si qalad ah oo baratakool xumo ah uu isu hortaagay calanka dalka Kenya taas oo keentay inuu madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya uu saxo oo uuna ku hago meeshii saxda ahayd ee loogu talagalay inuu istaago. 


Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed oo dhawaantaan booqasho ku joogay dalka Kenya ayaa waxaa la sheegay inuu si baratokool xumo ah uu uga soo muuqday meel aan ku habooneyn inuu istaago ka dib markii si qaldan uu isu hor taagay calanka dalka Kenya, Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed oo ay si wadajir ah shir jaraa'id ay u wada qabteen oo ayna saxaafada ula wada hadlayeen madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa waxaa uu is hortaagay calanka dalka Kenya oo ahayd meel loogu talagalay madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, laakiin madaxweyne ku xigeenka dalkaas Kenya oo arkay qaladka uu dhex dabaalanaayo ra'iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa si fudud oo miyir leh u saxay oo intuu garabka ka soo qabtey u soo jiiday dhinaca calanka Soomaaliya islamarkaana ku hagey ra'iisal wasaaraha Soomaaliya inuu istaago halka saxda ah loogu talay. 

Daawo Muuqaal Ra'isal wasaraha Soomaaliya oo meel khalad istaagay


Ugu dambeyntiina iyadoo ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed oo xilka ra'iisal wasaaranimada loo magacaabay dhawaantaan ayaa waxaan la ogeyn sababta ku kaliftey inuu is hortaago meel aan munaasab ku ahayn iyadoona ay u muuqato inuu ra'iisal wasaaruhu uu u jeeday calanka Soomaaliyeed marka uu soo galaayey goobtaas uu ku qabanaayey shirka jaraa'id, ra'iisal wasaare Cabdiwali oo laga yaabo inuu ka argagaxay oo ay qal qal galisay saxaafada faraha badan ee ku sugneyd goobtaas islamarkaana ay maskaxdiisa ka fakareysay su'aalaha uu kala kulmi doono ayaa ay dhici kartaa inuu si aan hubsiimo lahayn uu uga soo muuqday goobtaas qaladka ah ee aan loogu tala galin. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada