Daawo Yaabkaan:- Yurub & Mareeykanka oo Caalamka u taliya & Madaxweeyne caan ah oo dartood loo bursaday

Daawo Yaabkaan:- Yurub & Mareeykanka oo Caalamka u taliya & Madaxweeyne caan ah oo dartood loo bursaday

daajis.com:-Siyaasigii ama Madaxweynihii war ka diida dalalka ku midoobay Midawga Yurub ee EU iyo wadanka Mareeykanka oo xulufo dhaw la ah ayaa waxaa la xaqiijiyay in siyaasad ahaan maalin cad laga taqluusi doono si kastoo oo uu awood u leeyahay. 


Madaxweeynihii caanka ahaa ee dalka Ukraine Mr.Viktor Janukowitsch ayaa nolol iyo geeri midkood lagu raadinayaa ka dib markii maalin cad dalkaas ay ka bursadeen shacabka wadanka Ukraine oo loo balan qaaday in lagu dari doono wadamada dhaqaalaha leh ee reer Yurub .



Madaxweeyne Viktor Janukovitsch ayaa xili habeen ah waxaa laga soo duubay isaga oo Diyaarad Helikoptar ah ku baxsanaya waxaana la xaqiijiyay in uu magangalyo ahaan iskaga dhiibay dalka Ruushka ama wadamada kala ah Imaaraatka iyo Belarussia. 

Madaxweeyne Viktor Janukovitsch oo shacabkiisa lagu kacshay wuxuu siyaasad ahaan taageersanaa dalka Rushka oo diidan inay Ukraine gasho midawga Yurub balse shacabka dalkaas ayaa shaqooyin iyo dhaqaalo xoogan loo balan qaaday maadaama Ruushka oo shuuci ah uu mudo dheer lugaha ku dhegnaa dalka Ukraine . 

Qalalaasaha ka dhacay dalka Ukraine maalmihii ugu dambeeyay waxaa ku dhintay in ka badan 80-qofood. Shacabka dalka Ukraine ayaa intooda badan raba inay Midawga Yurub oo dhaqaale leh ku biiraan halka qaar ka mid ah gobolada dalka Ukraine oo shuuciyiin ah ay soo qaateen calanka dalka Ruushka.
 



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada