Mourinho Oo Ka Xanaaqsan Muuqaalkii Sida Qarsoon Loogu Duubay Ee Uu Ku Weeraray Weeraryahanadiisa.

Mourinho Oo Ka Xanaaqsan Muuqaalkii Sida Qarsoon Loogu Duubay Ee Uu Ku Weeraray Weeraryahanadiisa.

daajis.com:-Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa ka careysan ama wajigabax kala kulmay ka dib markii si qarsoon looga duubay isagoo dhaliilaya tayada weeraryahanada uu haatan ku heysto Chelsea, iyadoo muuqaalkaas uu soo baxay shalayto.

Carada Mourinho ayaana la xiriirta ka dib markii uu hoos u dhigay saameynta weeraryahanadiisa Samuel Eto’o, Fernando Torres iyo Demba Ba iyadoo muuqaalkaas ay ka duubtay TV-ga Faransiiska ee Canal + isagoo ka qeybgalayay soo bandhigista saacad uu xayaysiiyo ee shirkada Hublot isbuucii hore.
Wargeyska Daily Mirror ayaa sheegaya in Mourinho uu aaminsanaa inuu si qarsoodi ah u la sheekeysanayay madaxda shirkada saacada soo saartay ee reer Switzerland isagoo kala hadlayay awooda weeraryahanadiisa, laakiin waxaa qarow ku noqotay markii uu shalayto ka warhelay in muuqaal laga duubay lana baahiyay.
Mourino ayaa sidoo kale muuqaalkii laga qabtay waxa uu shaki ku geliyay da’da rasmiga ah ee Samuel Eto’o isagoo sheegay inuu yahay 32 jir balse laga yaabo inuu yahay 35 sanno jir. Hadaladii uu muuqaalkaas ku yiri oo aan shalayto daabacnay waxaa ka mid ahaa:

“Wax weeraryahan ah mahaysano, waa meeqo jir Eto’o hadaan idin waydiiyo markale? 32? lagayaabee 35, laakiin ma ogi midaas”.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada