Hooyo iyo Wiilkeeda oo lagu dilay Tooreey xili ay sheekeysanayeen

Hooyo iyo Wiilkeeda oo lagu dilay Tooreey xili ay sheekeysanayeen

daajis.com:-Dhacdo naxdin badan ayaa xalay ka dhacday degmada Yaaqshiid, gaar ahaan xaafada Towfiiq, kadib markii nin tooray ku hubaysan qudha ka jaray Hooyo iyo wiil ay dhashay xili ay ku sugnaayeen hoygooda.

Arintan ayaa ka danbeysay kadib markii dagaal afka ah uu dhex maray qoyska la gowracay iyo ninka wax gowracay qoyskiisa, murankaasi oo isu badalay in la dilo Hooyada iyo wiilka ay dhashay.

Ninka dilka geystay ayaa salaadii cishaha kadib markii uu buuqa labada reer dhamaaday kadib uu guriga u soo galay xili ay sheekeysanayeen hooyada iyo wiilkeeda, kadibna uu la dhacay tooreyda, halkaasina ay ku ruux baxeen.

Ninka falkan geystay ayaa la sheegayaa in uu baxsaday, hase ahaatee warar kale ay tilmaamayaan in lagu raad joogo.

Waa dhacdo naxdin badan oo argagax gelisay dadka degan xaafada Towfiiq gaar ahaan agagaarka telefishinkii hore, taasoo ay ku tilmaameen masiibo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada