DAAWO SAWIRADA:- Gud. Baarlamaanka iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray caasimadda dalka Iran

DAAWO SAWIRADA:- Gud. Baarlamaanka iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray caasimadda dalka Iran

daajis.com:-Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xalay soo gaaray magaalada Tehran ee daasimadda dalka Iran.

Gudoomiyha iyo wafdigiisa oo ay ka mid tahay marwadiisa Xaawo Ibraahin Aadan ayaa waxa ay kasoo degeen garoonka diyaaradaha magaalada Tehran abaare 3:00AM gelinkii dambe waqtiga Tehran waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey gudoonka Baarlamaanka dalkan Iiraan, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaannada Soomaaliya iyo Iiraan iyo safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Tehran Danjire Khaliif Kadiye Muuse.

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa waxaa la dejiyey Hotelka Persian Azadi Hotel oo ah halka loogu talagalay inuu ka dhaco shirweynaha 9aad ee dalalka Iskaashiga Islaamka OIC Baarlamaannadooda ayadoo sidoo kalena uu Gudoomiyaha Golaha Shacabka halkan kulammo gaar gaar ah ku yeelan doono.

Kulammada kulanka ugu horeeya waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka saakay la qaadan doonaa waqtiga Tehran 2:00PM dhigiisa dalkan Iran Ali Larajani oo ay ka wada hadli doonaan xiriirka iyo wada shaqeynta labada Baarlamaan,sidoo kalena waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka kulammo gaar gaar ah la qaadan doonaa Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Turkey,Qatar,Kuwait iyo dalal kale oo Afrika iyo Carabtaba ah.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada