Xisbullah oo "sii wadi doondo" taageerada dowladda madaxweyne Bashar Al-Asad.

Xisbullah oo "sii wadi doondo" taageerada dowladda madaxweyne Bashar Al-Asad.

daajis.com:-Hoggaamiyaha ururka shiicada ah ee Xisbullah ee dalka Lubnaan, Xasan Nasrallah, ayaa sheegay in ururkiisu sii wadi doono inuu qeyb ka ahaado dagaalka Suuriya.

Dagaalyahanka Xisbullah ayaa ka dagaallama dalka Suuriya iyagoo taageeraya dowladda madaxweyne Bashar Al-Asad.
Arrintaasi ayaa keentay xiisad ka dhacdo dalka Lubnaan, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalka Suuriya uu ku fido dalkaas.

Ururka Al-Qaacida

Waxaa dalka Lubnaan ka dhacay qaraxyo qaarkood lagu beegsanayay xarumha ururka Xisbullah ee dalkaas.
sheekh xasan Nasrallah ayaa sheegay in qaraxyada isdaba joogga ah ee haatan ka dhacaya Lubnaan ay qeyb ka yihiin dagaalka ururkiisa uu ka wado dalka Suuriya.

Dad taageera ururka Xisbullah ayaa lagu dilay weeraro ka dhacay dalka Lubnaan.
Nasrallah, ayaa sheegay in hadafka ururkiisa uu yahay in Al-Qaacida laga hor istaago inay la wareegaan xukunka dalka Suuriya.
Tobaneeyo qof ayaa ku dhintay weeraro is qarxin ahaa oo ka dhacay meelaha ay ku badan yihiin Shiicada taageerta ururka Xisbullah.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada