Kooxda Islaamiga Boko Haram:- oo in ka badan boqol ruux ku leysay waqooyiga Nigeria

Kooxda Islaamiga Boko Haram:- oo in ka badan boqol ruux ku leysay waqooyiga Nigeria

daajis.com:-Kooxda Islaamiga ee Boko Haram ayaa weerar ay ku qaaday Tuulada Izghe waxay ku xasuuqda dad ka badan boqol ruux, iyadoo weerarkan uu ahaa kii ugu xumaa oo ka dhaca waqooyiga Nigeria.

Sida ay sheegayaan wararka maleeshiyada Boko Haram oo gaarayay ilaa boqol ruux oo hubeysan ayaa tooganayay raga, iyagoo albaab kasta galaya, waxaaa jira dadka qaar oo ay qoorta ka goynayeen.

Weerarkan dhimashada badan dhaliyay ayaa waxaa uu qaatay muddo shan saacadood, iyadoo ciidamada ammaanka aanay goobta u soo gurmad intii uu weerarkan socday.

Boko Haram oo u dagaalamaya inay shareecada islaamka ku soo rogto waqooyiga Nigeria ayaa ah koox xag jir ah oo qaaday weeraro badan oo ka mid ah kuwo is qarxin ah.

Mudane ka tirsan aqalka Baarlamaanka oo laga soo doorto Gobolka Borno oo ah halka uu weerarka ka dhacay ayaa u sheegay BBC-da in maleeshiyada Boko Haram ay dileen ilaa 106-ruux.

Ali Ndume ayaa sheegay in ku dhowaad boqol maleeshiyo ay soo weerareen Tuulada Izghe maalinimadii sabtidii

Ciidamada Milateriga ayaa maalmihii u dambeeyay ka baxayay deegaanka, kadib markii sagaal askari laga dilay weerar todobaadkii hore ka dhacay halkaas.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada