Taliska ciidanka xoogga oo beeniyay warbixintii eedeymaha hubka dowladda ee QM

Taliska ciidanka xoogga oo beeniyay warbixintii eedeymaha hubka dowladda ee QM

daajis.com:-Taliyaha Ciidanaka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Daahir Aaden Cilmi oo maanta saxaafdad kula hadlay xafiiskiisa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymo dhawaan kasoo baxay kooxda dabagalka hubka cunuqabateynta saaran Dalalka Soomaaliya iyo Eretria ee Monitoring Group.

Hay`addan QM ayaa sheegayay in hub lasiiyay dowladda Soomaaliya uu gacanta u galay kooxda Al-Shabaab, isagoo farta ku fiiqay in aysan arrintaasi suurtagal aheyn oo ay dowladdu dagaal kula jirto kooxdaasi argagixisada ah ee Shabaab.

Taliyaha ayaa ku eedeeyay dadka bixiyay macluumaadkaasi qaldan inay taakuleeyaan Al-Shabab oo aysan doonayn  xasiloonida ummadda iyo wadanka, waxaana uu ku tilmaamay dadka wararka been abuurka ah ka faafinaya ciidamada qalabka sida ay yihiin kuwa u adeega maleeshiyada Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka ayaa xusay in tan iyo markii ay dowladda ka baxday Kumeel Gaarnimada, islamarkaana ay noqotay dowlad rasmi ah mudadii ay jirtay ay hub ka heshay dowlado ay kamid yihiin Itioobiya, Jabuuti iyo Uganda, kuwaasoo maareyntiisa ay la socdeen madax ka tirsan Qaramada Midoobay iyo Beesha caalamka.

Hadalkaan kasoo baxay Taliska xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan ay kooxda Mentoring Group warbixin ay soo saartay ku eedeysay dowladda Federaalka ah hub lasiiyay inuu u gacan galay kooxda Shabaab, taasoo madaxda ciidamadu ku tilmaameen dacaayad aad u raqiis ah, islamarkaana looga soo horjeedo dib u dhiska ku socda ciidamada qalbka sida ee Soomaaliya.

 
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada