Daawo Sawirada :Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti

Daawo Sawirada :Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo booqasho rasmi ah maalintii labaad ku jooga dalka Jabuuti ayaa la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed, iyadoo uu kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo waxyaabaha u qorshaysan Xukuumadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyay dawladda Jabuuti dadaalkeeda aan kala joogsiga lahayn ee markasta ay u taagan tahay si Soomaaliya ay uga soo kabato burburka xoogan ee soo gaaray. Waxaa Ra’iisul Wasaare Cabdiweli uu ka warbixiyay xaaladda ammaanka dalka Soomaaliya iyo qorshaha ay Xukuumaddiisu ku doonayso in ay dalka uga xorayso kooxaha nabad-diidka ah ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa noo qorshaysan in aan ka guulaysano kooxaha nabad-diidka ah, waxaan kaashan doonnaa ciidanka AMISOM oo Jabuuti ay kamid tahay. Marka aan dib u xorayno dalka waxaan ka shaqayn doonnaa in shacabka ku nool magaalooyinkaasi ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin oo dhamaystiran.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay dawladdiisu in ay tahay mid isbadal muujin doonta, lagana gudbi doono dhamaan caqabadaha jira.

“Soomaaliya dhibaatooyin badan ayay soo martay, waxaa qayb ka ah dhibaatooyinkaasi faqriga. Waxaan markasta kala qayb qaadanaynaa walaalaha Soomaaliyeed sidii ay sharaftooda usoo ceshan lahaayeen, loogana guulaysan lahaa kuwa dhibaatada ku haya dadka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, waxaana uu intaasi ku daray in uu rajjo weyn ka qabo in Soomaaliya ay ku socoto dariiqii saxda ahaa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale maanta la kulmay Ra’iisul wasaaraha dalka Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo ay ka wada hadleen fursadaha ay haystaan dadka Soomaaliyeed iyo ahmiyadda ay leedahay in amaanka la sugo si looga faa’iidaysto khayraadka Soomaaliya. Waxaa kaloo ay ka wada hadleen xooojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa booqasho ku tagay qaar kamid ah dakadaha dalka Jabuuti ee hormarka weyn muujiyay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay dalka Jabuuti horumarka ay ka samaynayaan dhanka dakadaha casriga, dalka Soomaaliyana ay wax badan ka faa’iidaysan doonto.

Ugu danbayntii waxaa Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo ay weheliyaan Wasiirka Arimaha Dibadda ee Jabuuti iyo Wasiirka difaaca ay qado sharaf u sameeyeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Xubnaha Golaha Wasiirada ee la socda Ra’iisul Wasaaraha Dalka.












FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada