Eden Hazard Oo La Hadlay Ciyaartoyda Chelsea: “Waa Inaan Iska Hilmaanaa Guul Daradii City”.

Eden Hazard Oo La Hadlay Ciyaartoyda Chelsea: “Waa Inaan Iska Hilmaanaa Guul Daradii City”.

daajis.com:-Laacib ka ree Belgium ee kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa ka hadlay guul daradii ka soo gaartay kooxdiisa kooxda Man City koobka FA Cup-ka wuxuuna sheegay inay ahaayeen kuwo aad u liita qaybtii hore ee ciyaarta.

Hazard ayaa sheegay in maalintaas aysan ahayn maalintii Chelsea sidaas darteed looga baahan yahay ciyaartoyda kooxda inay iska hilmaamaan guul daradaas oo ay u diyaar garoobaan kulanka Sabtiga ee Everton.
Eden Hazard oo warayrsi gaar ah siiyay Web-ka rasmiga ah ee kooxdiisa Chelsea ayaa yiri” Si aad ah ayaan u liidanay qaybtii hore marka lafiiriyo isku xirnaanta, laga yaabee midaas inay keentay kalsooni daro, si walba oo ay ahaataba waxaan aaminsanahay inaysan ahayn maalin ay noo saarantahay”.
“Waa inaan iska hilmaanaa kulan kaas, waana inaan u diyaar garoownaa kulamada soo socda gaar ahaan kulanka adag ee aan ciyaari doono sabtiga, waxaana haboon inaan xooga saarno kulankaas”.

Waxaa xusid mudan in Kooxda Chelsea ay marti qaadi doonto kooxda Everton maalinta sabtiga ah iyagoo hogaan ka u haaya horyaalka ingiriiska.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada