Saadaal: Yaa Badin Doona Habeen Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee U Dhaxeeya Man City Iyo Barcelona?

Saadaal: Yaa Badin Doona Habeen Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee U Dhaxeeya Man City Iyo Barcelona?

daajis.com:-Manchester City ayaa ciyaareysa kulankeedii ugu horeysay abid ee wareega 16ka Champions League marka ay habeen danbe lugta hore soo dhaweeyaan kooxda afarta jeer ku guuleysatay Champions League ee Barcelona.

Kulankaan ayaa muran la’aan ka mid ah kulamada ugu xiisaha badan wareega 16ka, iyadoo kooxda Manuel Pellegrini ayaa lugta hore soo dhaweyn doonto kooxda heysata horyaalka Spain.
Labadaan kooxood waligood kuma kulmin kulan tartan rasmi ah, inkastoo mid kasta ay badisay seddex kulan lix kulan oo saaxiibtinimo oo ay iska horyimaadeen.
Labada kooxood ayaa sidoo kale is arkaya iyagoo guulo ka soo gaaray koobabka maxaliga, City waxa ay 2-0 kaga badisay Chelsea koobka FA Cup, halka Barcelona ay lix gool oo jawaab la’aan ah ka dhaliyo Rayo Vallecano horyaalka La Liga.
Hadaba saadaal ka bixi kulankaan xiisaha iyo xamaasada leh? Yaa berri dhinaca dhulka loo dhigi doonaa Man City mise Barcelona mise waa ay isku garab dhici doonaan?

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada