Daawo Sawirada :- kulan aan caadi aheyn oo ay yeesheen Dhamaan Madaxda Qaranka Soomaaliya ee ku sugan Caasimadda Soomaaliya!!

Daawo Sawirada :- kulan aan caadi aheyn oo ay yeesheen Dhamaan Madaxda Qaranka Soomaaliya ee ku sugan Caasimadda Soomaaliya!!

daajis.com:-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa galabta shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay yeesheen golaha Wasiirada, waxaana kulankan ka soo qeybgalay madaxda maamulka gobolka, guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee gobolka Banaadir iyo taliyeyaasha saldhigyada, waxaana kulankan ujeedadiisu aheyd adkeynta amniga gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay Taliyeyaasha ciidanka Boliiska iyo Nabadsugida, waxaana lagu lafa guray sidii wada shaqeyn dhow ay u yeelan lahaayeen howlwadeenada gobolka iyo xubnaha golaha Wasiirada, waxaana degmo kasta si gaar ah loogu xil saaray 2 Wasiir oo la shaqeyn doonta guddi ka kooban maamulka degmada, qeybaha bulshada degmada, xubin Baarlamaanka ka tirsan iyo labadaasi Wasiir. Waxayna si gaar ah ula socon doonaan xaaladda amni ee degmada.

Sidoo kale, kulankan ayaa lagu wargeliyay dhamaamba guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo taliyeyaasha saldhigyada go’aanada shirkii ugu dambeeyey ee golaha Wasiirada si loogu badalo waxqabad.

Markii uu soo idlaaday kulankan ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre, isaga oo xusay in kulankan muhiimadisu ay aheyd sidii loo sugi lahaa amniga caasimadda oo ay labo maalin ka hor ka dhaceen falal argagixin ah, wuxuuna tilmaamay in go’aano wax ku ool ah la isla gaaray si loo xanuujiyo caddowga loogana hortago falalka khal khalgelinta amniga ah ee ay mar marka qaar ka sameeyaan magaalada.

“Caddowgu wuxuu soo weeraray goobtii astaanta u aheyd Qaranimada Soomaaliya ee madaxtooyada, Xukuumaduna waxay si deg deg ah uga bixin doontaa jawaab xanuujisa caddowga” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre.

Ugu dambeyntiina, kulanka ayaa waxaa soo xiray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Cabdiweli Sheekh Axmed isaga oo faray dhamaamba hay’addaha amnigu inay si adag u wajahaan waajibaadkooda dhanka amniga ayna ka hortagaan fal kasta oo caddowgu ku doonayo inuu ku khal khalgeliyo amniga shacabka.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada