MUGABE OO 90-JIRSADAY: - Waxaan leeyahay enerjiga sagaal jirka oo kale +SAWIRRO

MUGABE OO 90-JIRSADAY: - Waxaan leeyahay enerjiga sagaal jirka oo kale +SAWIRRO

daajis.com:-Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa shalay buuxiyay da`da 90-jir, waxaana loo dhigay xaflad dhalasho oo aad u weyn taas oo ay ka qeyb galeen madax iyo shiciba.

Mugabe ayaa talada dalka Zimbabwe hayay laga soo bilaabo 1980-kii, waxaana xafladiisa dhalashada la bireeyay 90-dibi, waxaa la cunay 90 kiilo oo doolshe ah iyadoona loo buufiyay 90-buufin.

Dadweyne 50-kun kor u dhaafaya ayaa xafladda dhalashada kala soo qeyb galay madaxweynaha, waxaana uu u jeediyay khudbad xamaasad leh.

"Waxaan dareemayaa in aan dhalinyaro ahay, waxaana igu jira enerjiga sagaaljirka oo kale", ayuu ku yiri khudbadiisa Mugabe.

Reer galbeedka oo uu Ingriiska kow ka yahay ayaa dagaal siyaasadeysan kula jira madaxweyne Mugaba, isna uma joojiyo oo waxa uu dhulal ay haysteen dad asalkoodu yahay Ingriiska ka wada qaaday dabadeedna ku wareejiyay dadka dalka u dhashay ee madowga ah.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada