Daawo Sawirada:- Olole nadaafaded oo laga bilaabay degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid

Daawo Sawirada:- Olole nadaafaded oo laga bilaabay degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid

daajis.com:-Maamulka gobolka Banaadir oo uu horkacayo guddoomiyha gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa maanta furay olole nadaafadeed oo ka bilowday inta u dhexeysa isgoysyada Fagax iyo sanca ee degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid.

Guddoomiyaha gobolka banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ay wehliyaan mas’uuliyiinta degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ayaa sheegay in maamulka gobolka markii uu arkay wasaqda daadsan inta u dhexeysa labada isgoys ay garteen in halkaasi ay ka bilaabaan olole nadaafadeed, isagoo ganacsatada inta u dhexesay labadaasi isgoys aysan qashinka ku shubin waddada hareeraheeda.

Mudane Maxamud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in ololahaasi nadaafadeed uu qeyb ka yahay qorshaha mataaneynta Muqdisho iyo Istanbul, islamarkaana ay howshaasi fulin doonaan shaqaale loo carbiyay, waxaana uu intaa ku daray in maamulka Gobolka uu dhiiri gelinayo ganacsatada yar yar, balse aan loo dul qaadan doonin in waddada hareeraheeda qashin lagu soo daadiyo.

“Ganacsatada waddadan ku ganacsanaya waxaan uga digaynaa haddii ay nadiifin waayay hortooda, maamulka go’aan adag ayuu ka qaadan doonaa oo ah in muddo labo isbuuc la xirayo goobtiisa ganacsi, waayo qofkasta waxaa waajib ka saran ka shaqeynta nadaafadda deegaankooda” ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiyaha Gobolka.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada