Fariin:- Arimahaan Hadaad Ku Aragto Iska Ogoow Jaceyl Ayaa Ku Dhacay

Fariin:- Arimahaan Hadaad Ku Aragto Iska Ogoow Jaceyl Ayaa Ku Dhacay

daajis.com:-Ragga ma awoodaan in ay muujiyaan dareemahooda inta badan inkastoo jaceyl uu ku dhacay , waxaana tani u sabab ah in ninka uusan awood u yeelan karin in uu xoogga saaro arin hal waqti gudaheed halka haweeneyda ay awooddo .

Ma awoodi karo in uu kuu sheegto in uu ku jecel yahay isaga oo mashquulsan kana fikiraya arimaha shaqada iyo cadaadisyadeeda .

Sidaa darteed ninka ragga ah waxa uu jecel yahay dhab ahaan in uu sameeyo arin muujineysa in uu jaceyl ku dhacay , hadaba gabaryaheey qaado talooyinkaan ay ku siineyso daajis.

Xariir Joogto Ah : inta badan ninka aad ugama hadlo taleefanka illaa rimo gaar ah mooyee sida in uu la soo xariiro saaxibadiisa shaqada si uu u wediiyo habsami socodka shaqada ama ehelkiisa si uu qalbiga ugu dajiyo ama in uu maqlo cod uu xiiseynayo balse haddii wicitaankiisa uu aad u badan yahay ogoow waxa uu doonayaa in uu codkaada maqlo oo xaalka ma wanaagsana .


Fariimo Qoraaleed Lagu Caajisayo : mararka qaar fariimaha laba qof isu diraan waxa ay noqon karaan kuwo lagu caajiso ama leh hal ujeeddo gaar ah , balse haddii fariimaha yihiin kuwo lagu caajisayo dh-dhan aan laheyn ama saameyn waa mid ka mid ah calaamadaha qofka jaceylka uu ku dhacay lagy garto.


Su`aalo shaqsiyadeed : Mararka qaar ninka dabeeysha jaceylka ay ku dhacday waxa uu ku weydiinayaa ra`yigaaga ku aadan arimo la xariira shaqsiyadiisa , sida in aad la dhacsan tahay habka labiskiisa iyo arimo la xariira shaqsiyadiisa, haddii aad aragto in su`aalahaan uu ku weydiinayo iska ogoow waa uu kugu qasban yahay .

* Daneyn Badan : ninka wax jeclaaday waxa uu doonayaa in badan uu wax ka ogaado qofta uu jeclaaday tusaale waxa ay neecb tahay , jecashahay , ku farxinaya , wax yaabaha ay hamineyso , dhamaan su`aalahaan jawaabahooda ayuu xiiseynayaa qaab toosan ama mal dahan .


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada