DAAWO SAWIRADA:- R/wasaare C/weli iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Nairobi, Kenya

DAAWO SAWIRADA:- R/wasaare C/weli iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Nairobi, Kenya

daajis.com:-Ra`iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Nairobi, waxaana garoonka Jomo Kenyatta ee Nairobi kusoo dhoweeyay madax ka tirsan dalka iyo Safaarada Soomaalida ee fadhigeedu yahay Nairobi.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigiisa ayaa isla galabta kulan la yeeshay Mas’uuliyiinta dalka iyo inta badan Xildhibaanada gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya, waxaa ay ka wada hadleen sidii looga wada shaqayn lahaa danaha labada dal.
“ Waxaan aad ugu faraxsannahay socdaalka aan ku imid Kenya oo ah dal ay dano badan naga dhexeeyaan. Waxaan la kulmi doonaa madaxda ugu saraysa dalka Kenya oo aan kala hadlayo xoojinta iyo iskaashiga labada dale e dariska ah”, ayuu yiri ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay qaar kamid ah xildhibaanada dalka Kenya ee Gobolka Woqooyi Bari ayaa barri la kulmi doona Madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya Mudane William Samoei Ruto iyo xubno kale oo ka tirsan Dawladda Kenya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa caawa kulan la qaatay qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed oo u sameeyay xaflad soo dhoweyn ah. Waxaa uu Ra’iisul wasaaruhu ku booriyay Jaaliyadda in ay kaalin ka qaataan nabadda horumarka dalkooda Soomaaliya isla markaana ay ilaaliyaan dalka Kenya oo aad usoo dhoweeyay Soomaalida.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada