daajis.com:-Taliyaha Ciidanka Xooga Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Weeraro qorsheesnaa oo ay Dagaalyahanada AL-Shabaab ku qaadeen deegaano katirsan Gobolada Baay iyo Sh/Dhaxe, halkaa ay kusugnaayeen Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya.
Jen. Daahir Aadan Cilmi ayaa sheegay in Al-Shabaab ku hungoobeen weeraro ay kusoo qaadeen Deegaanada Daynuunay iyo Sambuuni oo ka kala tirsan Gobolada Shabeeaha Dhaxe iyo Baay.
Taliyaha ayaa xusay in Ciidanka Milatariga ay dagaal kala hortageen ragii soo weeraray, waxa uuna tilmaamay in Al-Shabaab qasaare xoogan ku gaarsiiyeen weerarada ay soo qaadeen kana furteen hub iyo Saanad milatari.
Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Xooga Soomaaliyeed Jen. Daahir Aadan Cilmi ayaa ugu baaqay dhalinyarada katirsan Al-Shabaab in ay kasoo baxsadaan kooxdaasi iskuna soo dhiibaan dhinaca Dowlada Soomaaliya.

Hadalka kasoobaay Taliska Milatariga Soomaaliya ayaa imaanaya xili Xarakada Al-Shabaab guulo waa weyn ka sheegteen weeraro ay saacadihii lasoo dhaafay ku qaadeen Deegaano ay kusugnaayeen ciidamo katirsan Dowlada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:00 and have
, Published at