Xaasaska Saraakiisha Al-Shabaab ee kusugan Magaalada Kismaayo oo Hanjabaad culus hawada loo marsiiyay

Xaasaska Saraakiisha Al-Shabaab ee kusugan Magaalada Kismaayo oo Hanjabaad culus hawada loo marsiiyay

daajis.com:-Maamulka KMG ee Jubba ayaa Hanjabaad culus u diray Xaasaska ay qabaan Saraakiisha iyo Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ee ku sugan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.


Masuuliyiinta Maamulka Jubba oo aad uga naxay dilkii loo geestay Taliyihii Nabad Sugida Maamulkaasi Ciise Kambooni ,ayaa hada bilaabay in hanjabaad hawada u mariyaan Xaasaska iyo ehelada Saraakiisha Al-Shabaab katirsan ee kusugan Magaalada Kismaayo.

Wasiirka Arimaha Bulshada ee Maamulka Jubba Macalin Maxamed Ibraahim Maxamuud oo ka hadlay Dilkii loo geestay Ciise Kaambooni ayaa sheegay in Xaasaska Saraakiisha Al-Shabaab ee kusugan Kismaayo ay dhagar badan maleegaan .

Wasiirka Ayaa tilmaamay in Xaasaska Saraakiisha iyo Dagaalyahanada Al-Shabaab ee kusugan Magaalada Kismaayo ay qeyb ka yihiin dilalka iyo dhibaatooyinka ay Al-Shabaab ka geestaan Magaaladaasi .

Macalin Maxamed ayaa sheegey in Saraakiisha Shabaabka ay ka shalayn doonaan falalka ay ku kacayaan, wuxuuna intaasi ku daray in xitaa xaasaskooda aysan badbaadi doonin, islamarkaasina loola dagaalami doono si aanan waxbo loo reebanaynin.

Hadalka kasoo baxay Wasiirkan katirsan Maamulka Jubba ayaa imaanaya xili Magaalada Kismaayo xaalada kacsanaan ah oo ka dhalatay dilkii Ciise Kambooni ay wali ka jirto , waxaana Magaalada ka dhacaya dilal loo geesanayo dad shacab ah iyo kuwa lagu tuhmayo in AL-Shabaab xariir la leeyihiin .

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada