Daawo Sawirada:- Samsung oo daaha ka rogtay Galaxy S5, Muxuu uga duwanyahay Galaxy S4?

Daawo Sawirada:- Samsung oo daaha ka rogtay Galaxy S5, Muxuu uga duwanyahay Galaxy S4?

daajis.com:-Waxaa magaalada Barcelona ee carriga Spain maanta ka dhacay bandhig tiknoolajiyeed sannadle ah oo ay isugu yimaadaan shirkadaha caalamka ee sameeya Mobilada, waxayna Shirkadda Samsung meesha uga dhawaaqday nooca cusub ee taxanaha Mobiladeedii caanka ah ee loo yaqaan gaalagsiyada (Galaxy S Lines).


Mobilekaan cusub ee ay maanta Samsung daaha ka rogtay ayaa ah Galaxy S5, wuxuuna waxoogaa uga baddalanyahay Mobile-ka Galaxy S4 ee haatan suuqa yaal, sida xajmiga, camererada, batariga, processorka iyo weliba garashada farta (Fingerprint) oo uu leeyahay Mobileka cusub.


Maxaa ku cusub Galaxy S5

- Galaxy S5 waxaa la kordhiyey camerada danbe oo cabbirkeedu yahay 16 megapixel taasoo awood u leh xataa inay qaaddo 4K video
- Galaxy S5 wuxuu awood u leeyahay inuu u adkaysto oo aysan gelin boorka, siigada biyaha iyo sidoo kale xagtimaha dhalada waxyeeleeya.

- Waxaa la kordhiyey dhererka mobileka oo haatan cabirkiisu yahay 5.1 inch. iyadoo sidoo kalena lagu xiray batari ka weyn kan S4ka iyo processor waxoogaa ka dhakhso badanba.

Galaxy S5 wuxuu ku yimid android 4.42 KK oo ah ah nooca u danbeeyey, waxaana taleefonku suuqa soo geli doonaa bartamaha bisha April ee foodda inagu soo haysa haddii Alle idmo, iyadoo ay bixin doonaan afarta Shirkadood ee ugu waaweyn dalkaan Maraykanka, iyo in ka badan 150 shirkadood oo mobilada ka bixiya Adduunka.

Isku soo duuduuboo dad badan ayaa dhaliilsan taleefoonka cusub ee ay daaha ka rogtay Shirkadda Samsung maadaama ay Galaxy S5 iyo S4 isku mid ka yihiin resolutionka screenka oo weli ah 1080, memoryga oo isaguna ah 2 GB iyo sidoo kale dahaarka loo yaqaan Touchwiz oo aysan shirkaddu weli fudayd ka dhigin.






W/Q Bishar Abdi
twitter.com/bishaarc

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada