---> Daawo:- Warar Dheeraad ah oo kasoo baxaya Sida uu Weerarkii Vila Soomaaliya u dhacay iyo Halka ay shabaabkii Soo Qeeraray Tagayn!!

---> Daawo:- Warar Dheeraad ah oo kasoo baxaya Sida uu Weerarkii Vila Soomaaliya u dhacay iyo Halka ay shabaabkii Soo Qeeraray Tagayn!!

daajis.com:-Goobjooge ka ku sugnaa masaajidka xarunta madaxtooyada Soomaaliya xilligii ay weerarka ku soo qaadeen kooxda Ashabaab ayaa waxaa uu shaaciyey in Shabaab soo weeraray xarunta madaxtooyada Soomaaliya ay gudaha u soo galeen masaajidka ku yaala xarunta madaxtooyada asagoona intaas raaciyey inay goobtaasuu ka dhacay kala carar iyo jaah wareer. 




Maxamed Suldaan Deeqoow oo ka mid ahaa dadkii ku tuganaayey salaada jimcaha markii ay kooxda Alshabaab ay weerarka ku soo qaadeen xaruntaa madaxtooyada oo sharaxaad buuxda ka bixiyey sida ay wax u dhaceen ayaa waxaa uu sheegay in wax yar ka dib markii ay bilaabatey khudbada salaada Jimcaha ay maqleen qaraxyo iyo rasaas isdaba joog ah asagoona sheegay inay goobtaas ay ka kala yaaceen dadkii oo dhan , Ninkaan ayaa waxaa uu sheegay in mid ka mid ah Shabaabkii fuliyey weerarkaas uu gudaha u soo galay masaajidka ayna u qaateen inuu ahaa mid ka mdi ah ciidamada dowlada Soomaaliya laakiin markii dambe meel kore laga soo toogtey ninkaas oo uuna meesha ku geeriyooday, ninkaan ayaa sheegey in masuuliyiin ay ka mid ahaayeen wasiirka arimaha gudaha Cabdulaahi Goodax Bare, wasiirka maaliyada Xuseen Cabdi Xalane, Arinta la yaabka leh ee uu ninkaan sheegay ayaa waxay tahay in Jenaraal Nuur SHirboow (AUN) oo ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday weerarkaas uu fadhiyeye safka hore ee masaajidka. 

Ugu dambeyntiina iyadoo run ahaantii ay tahay wax lala yaabo sida ay ugu suuro gashay kooxda Alshabaab inay gudaha ay u galaan xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo ah meel amnigeedu uu si aad iyo aad ah uu adag yahay ayaa dad badan oo Soomaaliyeed waxaa yaab ku noqday arintaas iyagoona ku tilmaamay mid ay ka muuqato habacsanaan iyo feejignaan la'aan heyadaha amaanka ee dowlada Soomaaliya maadaama ay kooxda Alshabaab ay haweysanayso inay xaruntii madaxtooyada oo ay ku sugnaayeen masuuliyiintii ugu sareysay maamulka dalka oo uu ugu horeeya madaxweynaha inay qorshayaal weerar ah ay ka soo fuliyaan, Af hayeenka kooxda Alshabaab Sheekh Cali Dheere ayaa waxaa uu sheegay inuu qorshaha weerarkaas uu ahaa inay soo qafaashaan madaxweyne Xasan Sheekh ama ay soo dilaan. 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada