Madaxda Dowlada oo hanjabaad ka bixi la' xili Al-Shabaab iyaguna u fakanayaan in ay galaan Madaxtooyada Soomaaliya!

Madaxda Dowlada oo hanjabaad ka bixi la' xili Al-Shabaab iyaguna u fakanayaan in ay galaan Madaxtooyada Soomaaliya!

daajis.com:-Madaxda ugu sareeya Dowlada Soomaaliya ayaa maalmahan waxa ay wadaan hanjabaadyo is daba joog ah ay hawada u marinayaan Dagaalyahanada Al-Shabaab , kadib weerarkii maalintii jimcihii lagu qaaday xarunta Madaxtooyada.

Madaxweynaha Soomaaliya , Ra'izul Wasaaraha , iyo qaar kamid ah golaha Wasiirada ayaa siyaabo kala duwan oo ay u hadleen waxa ay hanjabaad culus hawada ugu mariyeen Dagaalyahanada AL-Shabaab oo iyagu sheegtay masuuliyada weerarkii ka dhacay Madaxtooyada.

Hanjabaada ay masuuliyiinta Dowlada u jeedinayaan Al-Shabaab ayaa ah kuwa aan ku cusbeen dhagaha Shacabka Soomaaliyeed , waxaana inta badan madaxda iyo saraakiisha dowlada looga bartay markii ay qaraxyo iyo weeraro dhacaan in Hanjabaan.

Al-Shabaab ayaa dhankooda hanjabaad hawada usoo marinaya Masuuliyiinta Dowlada Soomaaliya , waxa ayna ugu hanjabayaan in ay dili doonaan uguna tagi doonaan meel kasto ay joogaan xitaa Madaxtooyada.

Kahor weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ,waxaa hanjabaad isdaba joog ah hawada loo m
arinayay Al-Shabaab, taa oo ka imaaneysay Madaxda Dowlada iyo Saraakiisha AMISOM , hanjabaadyadaasi ayaana ahaa kuwa Shabaab loogu sheegayay in dagaal kusoo wajahan yahay Goobaha ay wali kataliyaan.

Al-Shabaab ayaa maalintii jimcihii inaga tagtay waxa ay ku dhawaadeen in ay gudaha u galaan Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, oo ah goob amaankeeda si weyn loo adkeeno xaruna u ah Madaxda ugu sareysa Dowlada.

Dadka Siyaasada falanqeeya ayaa qaba in Dowlada hanjabaadeeda kaliya ku kooban tahay afka, hadii ayna qaadin tilaabo cad iyada uu godkeeda biyo ugu soo gali doono xarumahoodana ay Al-Sahbaab fursad u heli doonaan in ay kusoo weeraraan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada