daajis.com:-Wararka aan ka heleyno Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in dabley Hubeesan shalay ay afduub u geesteen gabar dhalinyaro ah kadibna kula dhaqaaqeen Kufsi iyo jir dil aad u xoogan.
Kooxaha Hubeesan ayaa la sheegay in gabar Da'deeda lagu qiyaasay 18-jir ay afduubteen kadibna ay jir dil iyo kufsi isugu dareen ,taa oo ugu dambeyn keentay in gabadhaasi ku geeriyooto Isbitaalka Keesaney oo la geeyay.

Kooxihii Dableyda ahaa ee falkan ka dambeysay ayaa la tilmaamay in aan wali gacanta lagu dhigin , mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Dowlada ee Degmada Karaaan oo falkan ka dhacay Maalintii shalay.
Dhawaan ayey aheed Markii Hay'ado u dooda Xuquuqda aadanaha Shaaca ka qaadeen in Falalka Kufsiga Dalka Soomaaliya uu caadi ka noqday , waxaana sanadihii ugu dambeeyay Soomaaliya ka dhacay kufsi siyaabo kala duwan dumar masaakiin ah loogu geestay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:19 and have
, Published at